Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Labada Cishee Ciidkan Kaddib Waxannu Qaadaynaa hawlagallo qaar nool baana ku dhiman doona “Badhasaabka Sanaag Oo Munaasibaddii Iidal-fidriga Bulshada Ceerigaabo Kala hadlay”

Badhasaabka gobolka Sanaag Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa qudbad dhinacyo badan taabanaysey oo dadweynaha Ceerigaabo uu uga soo jeediyey munaasibaddii lagu tukanayey salaadda Iidal-fidriga wuxu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin nabadgelyada iyo la-dagaallanka xaalufinta iyo weliba waddada Ceerigaabo sidii bulshadu gacanteedii uga geysan lahayd. Isagoo arrimahaas ka hadlayana Badhasaab-Ramaax wuxu hadalkiisa ku bilaabay“Labadan cashee ciidka kaddib waxannu Qaadaynaa hawlagallo qaar nool baa ku dhiman doona waxannu ka dagaal gelaynaa deegaanka nin walowba ogow labada cashee ciiddu marka inna dhaafaan waxannu u haysannaa amar iyo awooddii aannu u baahnayn in laga hawlgalo dhuxulaysatada iyo deegaanka oo gacan bir ah lagu qabto ninkii dawlad la dagaallamayow u diyaar garow ninkii ka baxayow ka bax ninkii lahaa la ima ogaysiinow ogow ninkii inankiisu ku jirowna u dig halkan waxa ka bixi doona ciidan tiradiisu dhan tahay boqol god walbana way geli doonaan kamana dul qaadanayno 2400 geed ayaa maanta Ceerigaabo keliya gubanaya.ciddii ku dhimataana mag malaha waxa dhacday rag lix-lix boqol oo neef leh ayaa waxay isku dileen noqday kiish dhuxul ah oo majin jaad ah la siisanayo runtii waa wax lala yaabo mana eeganayno waxannuna rabnaa in nalaka caawiyo oo cid kastaaba isku wargeliso”

Dhinaca nabadgelyada isagoo ka hadlayana wuxu yidhi “Gobolka muddo saddex bilood aan dhammayn baan joogey waxa ka dhacay toddoba dil iyo konton iyo toddoba karaym oo boob iyo jidgooyo iyo kufsiba ku jiraan maanta gobol ka dil badani ma jiro gobol ka karaym badanina ma jiro  runtii waa nasiib darro ma aha awood la’aan ma aha cidan la’aan waa nasiib darro toddobadaas dil saddex baryo lagu keenay mooyee intii kale weli suuqay joogaan qaar kalena way idinka layn doonaan waana hubaal waxyaabahaas oo dhan waxannu u diyaar nahay inaannu gacan bir ah wax kaga qabanno shirkii Burco ragggii ka qayb galayna halkan waa fadhiyaan golaha wasiirraduna waa saxeexeen odayaashuna waa baasgareeyeen qofkii qof dila in loo dilo”.

Waddada Ceerigaabo isagoo ka hadlayana badhasaabka Sanaag  wuxu intaas kusii daray “Waddadii Ceerigaabo maanta meel wanaagsan ayay maraysaa ilaa imminkana waa dedaalkii dawladda laakiin reer Ceerigaabow dedaalkiinnii wuu dhiman yahay oo ma muuqdo hadday tahay xoolo ama xoog ama xilkasnimo iyo is wacyigelin intiiba waxad mooddaa inay runtii aad iyo aad u jiifto taasna waxan idinku baraarujinayaa in gacanta lays gelin doono oo odayaashii ku ballan qaaday xoolaha laga bilaabo sabtida soo socota aannu bilaabi doonno hawlohoodii”.

Dhinaca horumarinta guud ahaan gobolka gaar ahaanna degmada Ceerigaabo isagoo ka hadlayana wuxu yidhi  “Maanta maammulka dawlad hoose iyo dawladdii dhexeba waa diyaar in horumarka degmada iyo gobolka lasoo gaadhsiiyo gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka waddooyinkeeda la furo laamiyo la sameeyo oo ay ka mid tahay 10 km oo laamiga magaalada ee dawladda hoose iyo dadweynuhu iska kaashanayaan ah taasna waxan codsanayaa ciddii jagadeeda ama gurigeeda horumarkaasi kusoo beegmo inay u dulqaadato oo horumarka laga wada shaqeeyo wanaaggana aynu is farno nabadgelyadana ciidammada gacan ha lagu siiyo”.

Ugu danbayntiina badhasaabka Sanaag halkkaas wuxu uga duceeyey bulshada Wuxuna dadweynaha ku waaniyey in wanaagga la is faro dadka dhibaatooyinka samaynayana meel looga soo wada jeesto oo berry marka la qabto aanay arrintu noqon inankaygu kuma jirin iyo arimo loogu qiil raadinayo qofkii denbiilaha ahaa.

waaheen

xigasho

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com