Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiir Cukuse “Waxaan shacabka iyo intii magaca Xidigaha Geeska Taqaanay-ba ka Tacsiyadaynayaa Gafka ay ka galeen fankooda iyo dalkoodaba”

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay inuu shacabka ka tacsiyadaynaayo barnaamij fannaaniinta Xidigaha Geeska oo ka tirsana TV-ga qaranku ay u duubeen iidal-fitriga telefiishanka Qaranka Soomaaliya iyo TV-ga Universal.

Wasiir Cukuse oo shir jaraa’id xafiiskiisa ku qabtay shalay waxa tilmamay in fannaaniintan meel kaga dhaceen qarankooda, shacabkooda iyo fankoodaba, waxaannu yidhi; “Waxaan Shacbiga Somaliland Meel kasta oo ay Joogaan-ba uga Tacsiyadaynayaa,Khaladka Weyn ee ay galeen Koox ay Magacooda barteen oo la baxday Xidigaha Geeska, dhallinyaradaas oo khalad aan caadi ahayn gashay, naftooda ka gashay, fankooda ka galay, dalkooda ka galay, dadnimadooda ka galay, waxaan shacabka iyo intii magacooda taqaanayba ka tacsiyadaynayaa gafkaas.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com