Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) ayaa ka jawaabay eedaymo uu xisbiga mucaaridka ah ee waddani u jeedinayey madaxweynaha somaliland oo la xidhiidha inay xukuumadu mudo kordhin doonayso.

wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyi gelinta somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse) ayaa ka jawaabay eedaymo uu xisbiga mucaaridka ah ee waddani u jeedinayey madaxweynaha somaliland oo la xidhiidha inay xukuumadu mudo kordhin doonayso.

Wasiirka warfaafinta wacyi gelinta Somaliland oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa kale oo uu sheegay inaanay xukuumadani diyaar u ahayn mudo kordhin loo sameeyo.

Ugu horayn wasiirka warfaafinta oo ka hadlaya eedaymaha madaxweynaha uga imanaya xisbiga Waddani ayaa waxa uu yidhi “Qolada asxaabta mucaaridka ah ee Somaliland gaar ahaan xisbiga Waddani oo uu hogaamiyo masuulka afaraad ee qaranka somaliland, gudoomiyaha golaha wakiilada oo aanu ixtiraam u hayno waxaanu leenahay sheekada soo noq noqota ee xisbigaagu ku cel celiyo ee ah inay xukuumadu

doonayso in mudo kordhin loo sameeyo, aad ayaan uga xumahay in lays ilaawana maaha, in lays ilaawo oo taariikhdeena fog iyo ta dhawba la ilaawo maaha.” Ayuu yidhi wasiirka warfaafinta Somaliland

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo hadaliisa sii wata ayaa gudoomiyaha xisbiga Waddani ku eedeeyey inuu isagu mudo kordhin ku fadhiyo kursiga hogaanka baarlamaanka, waxaanu yidhi “Gudoomiyaha golaha wakiilada xilka uu hayo waxa loo doortay sanadkii 2005, waxaanay kaga eegayd sanadkii 2010 maantana waxaynu joognaa 2014, waxaana muuqata in mudadii la doortay mudo leeg oo dheeraad ah oo saayid ah oo mar walba loo kordhinayey inuu ku fadhiyo, waxaanad ogtihiin mudadii la doortay madaxweynaha ee caadiga ah inuu wali sanad u hadhsan yahay, markaasaa kii shanta dheeraadka ah ku darsaday waxa uu madaxweynaha sanadku u hadhsan yahay ku eedaynayaa inuu mudo kordhisan doono uu dhagaha dadka ka badiyey oo ku xigeenadiisu ku cel celiyeen.”

Sidoo kale wasiirka warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in mudo kordhin loo sameeyo madaxweynaha iyo xukuumadiisu aanay ku xidhnayn madaxweynaha balse ay tahay mid u taala hay’addaha ku shaqada leh waxaanu yidhi “Waxaanu leenahay mudo kordhintu ma fiicna, mudo kordhintuna kuma xidhna madaxweynaha rabitaankiisa iyo rabitaan la,aantiisa midna maaha waa arin u taala golayaasha sharciga ah ee awoodaas iyo masuuliyadahaas leh, waa arin u taala komishanka doorashooyinka qaranka ee hawshaas haya, waa arin u taala hay’adaha ka shaqeeya iyo kuwa xil gudashaas leh, laakiin maaha mid isaga loo aqbalo ama loo diido.” Ayuu yidhi wasiirka warfaafintu.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com