Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Sweden,

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Sweden, kuwaasi oo gogol xaadh u ah wefti culus oo ka socda dawladda Sweden oo dhawaan dalka ku iman doona booqasho rasmi ah.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu war-murtiyeedkaasi u dhignaa sidan:-

“Madaxawayne ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland ahna ku simaha Madaxwaynaha Jamuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil (Saylici) ayaaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda dalka Sweden oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee dalka Sweden iyo xubno kale oo muhiim ah.

Weftigan ayaa madaxwayne ku xigeenka uga waramay hawlaha ay ka shaqeeyaan dalka Sweden ee ku saabsan wacyigalinta Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Sweden sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka dhinacyada badan leh ee xukumada Jamuuriyada Somaliland ka wado dalka, waxaa kale oo intaasi ku daray in ay mar walba ku dedaalan masuuliyiinta dalka Sweden in ay xogo-dheeraad ah ka siiyaan xaalada dalka, dad faro badan oo reer Sweden ah oo ay halkan ku soo casuumeena ay wax weyn kala qabteen sidii dawlada Sweden loo siin lahaa xogo-dheeraad ah oo ku saabsan qarankan Somaliland, waxa kale oo halkaasi ka hadlay xubnihii kale ee weftigaasi ka mid ka ahaa.

Madaxwayne ku xigeenka Jamuuriyada Somaliland Cabdirxmaan Cabdilaahi Saylici ayaa weftiga soo dhaweeyay kuna bogaadiyay dedaaalkooda in ay halkaasi ka sii wadan madaxwayne ku xigeenku waxa uu xusay in dadka reer Somaliland ee muwadiniintii meel kasta ha joogaane’ uu xil weyni ka saaran yahay in dalkooda dhismihiisa ay ka qayb qaataan kuna dedaalan sidii Jaaliyad walba wadanka ay la joogto ay ugaga warami lahayd dalkooda halka uu marayo iyo dadkoodu waxay qabsadeen.
ugu danbayntii weftigani waxay sheegeen in ay hordhac u yihiin wefti culus oo dawlada Sweden ka tirsan oo bisha September iman doona dalka.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com