Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkada Sharaabka ee SBI Cocacola ayaa maanta deeq lacageed oo uu xaddigeedu dhan yahay $14,300 oo Dollar (Afar iyo toban kun iyo Saddex Boqol oo dollar) ku wareejisay Xarumaha Caruurta Agoomaha lagu daryeelo oo ku kala yaala Gobolada Somaliland iyo Puntland.DAAWO SAWIRADA

1010Hargeysa(MAANTASOMALILAND) Shirkada Sharaabka ee SBI Cocacola  ayaa maanta deeq lacageed oo uu xaddigeedu dhan yahay $14,300 oo Dollar  (Afar iyo toban kun iyo Saddex Boqol oo dollar) ku wareejisay Xarumaha Caruurta Agoomaha lagu daryeelo oo ku kala yaala  Gobolada Somaliland iyo Puntland.

Shirkada SBI Cocacola  ayaa sheegtay in lacagtan lasiinayo Xarumahan Agoomaha iyo Cisbitaalka Dhimirka ay ka timid lacag shirkadu ugu tallo gashay wakhtigii Bisha Ramadaan oo Qofkii hal Habbo oo sharaabka SBI COCACOLA iibsada uu sadaqo ahaan ula baxayey Kontonshil oo Shillinka Somaliland ah, waxayna sheegen in lacagtaasi oo ururtay ay ugu deeqen Xarumahaasi oo ku kala Yaala  Hargeysa, Burco, Boorama, Berbera, Laascaanood, Ceerigaabo iyo Puntland oo Boosaso ah.

080706  04030201Munaasibad lagu guddoonsiinayay lacagtan oo ka dhacday xarunta Shirkada SBI ee Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Maamulaha Shirkada SBI Mustafe Cismaan Geelle, Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, Agaasimaha qaybta dhimirka ee Cusbitaalka Hargeysa Mustafe Xuseen Xirsi iyo xubno kale.

Maamulaha Shirkada SBI Mustafe Cismaan Geelle ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in  lacagtii  bisha barakaysan ee Ramadaan Markii ay kow ahayd ugu balanqaadeen in ay ku taakulayn doonaan dadka jilicdasan maanta loo fadhiyo midhaheedii. “Bishii Barakaysnayd ee ramadaan bilowgeedii halkan ayaanu idinku casuunay wasiirka diinta iyo awqaftuna waa uu inagala soo qayb galay, Bishaa barakaysan ee ramadaan bilowgeedii shirkadu wax ay ku dhawaaqaday caagad walba oo la iibsado in shirkadu kontan shillin iska jarayso uguna deeqayso xarumaha agoomaha ee gobalada Somaliland ku yaal iyo puntland iyo waliba xarumaha lagu hayo dadka maskaxda ka xanuusanaya, Alxamdulilaah barnamijkii waanu ku guulaysanay , sharaabka la iibiyayna intaanu filaynay iyo in ka faro badanba waa iibsamay lacagta maanta loo ururiyay lixda gobol ee Somaliland iyo puntland runtii waa lacag aad u fiican waxna u taraysa xarumaha loogu talo galay, sabtida iyo wiiga soo socdan xarumaha ay shirkada gobalada ku leedahay waa la gudoonsiin donaa” Ayuu Yidhi Mustafe Cismaan Geelle.

Dhinaca kale waxa uu faahfaahin ka bixiyay Xaddiga Lacageed ee ka soo xaradooy, waxaanu yidhi “Lacagtii soo xarootay Bishaas Ramadaan ee loogu talo galay in la siiyo dadka baahan waxa ay noqotay $14,300 oo dollar, waxaanay Hargeysa ay heshay $5000 oo loo kala qaybin doono Cusbitaalka Dhimirka iyo Xarunta Agoomaha oo la kala siin doono min $2500, Xarunta Agoomaha ee Boorama waxa ay noqotay $2000, Xarunta Agoomaha ee Burcona waxa ay u noqotay $3000, Berbera $1300, Laascaanood, Ceerigaabo iyo Boosaso  Min $1000 Dollar” ayuu yidhi Mustafe Cismaan Geelle Maamulaha Shirkada SBI.

 

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi ugu horayn waxaynu is xasuusinaynaa Ilaahay ina abuurtay ee inaga dhigay umad islaam ah oo isla markaa ina waafajiyay  in camalka san ee wanagsan isu kaalmaysano Ilaahay subxana wataacla wuxuu leeyahay  isku kaalmaysta samo falka iyo Alle ka cabsiga, waxaa mahada labaad iska leh shirkada SBI Cocacola  oo gargaar u fidinaysa dadka liita ee ay ka midka yihiin agoomaha iyo dadka dhimirka ka buka , waana guul in maanta la soo gabgabeeyo barnamijkii la daah furay awalkii bishii barakaysnayd ee ramadaan.”Ayuu yidhi.

Sheekh Yuusuf Cabdi  Xoore oo isaguna hadal Munaasibadaasi ka jeediyey ayaa ka hadlay  ajarka ay leeday sadaqadan noocan oo kale ah waxana  uu yidhi. “mahad naqaa ka dib waxaan ku boorin lahaa shirkada dhigooga ah shirkadan in ay wax taraan walalahooda dan yarta ah ee ku kala nool gobalada Somaliland Ilahayna waa uu idiin libin laabi donaa kaydka aad dhigateen ayaan idin leenahay.”Ayuu yidhi.

dhanka kale wax halkaa hadalo kooban oo duco iyo dardarn  isugu jira ka soo jeediyay sheekh Maxamed ismaciil khayre (Awlibaax) waxanu u mahad celiyey Shirkada SBI oo uu sheegay in wax dalka ku cusub ku soo kordhisay waxanu shirkadaha dale ugu baaqay in ay ku daydaan shirkadan SBI.

Waxa kale oo iyaguna Madashii ka hadlay Dadkii Madaxda ka ahaa Goobihii la Guddoonsiiyey waxay sheegen in ay farax weyn u tahay in lacag intaasi leeg la guddoonsiyo, iyaga oo tilmaamay in baahiweyn ay u qabeen Lacagtaasi oo waxbadan ka taridoonto baahiyahoodii.

Gabogabadii Waxa lacagtii la Guddoonsiyey Xubnihii joogay oo kala ahaa, Maxamud Shukri oo ka Socday Xarunta Agoomaha ee Burco wax auu Guddoomay 3,000 oo Dollar, Saxardiid Muxumed Jaamac oo ka socday Xarunta Agoomaha ee Hargeysa wax auu guddoomay 2,500 oo Dollar, Asiya oo ka socotay Xarunta Agoomaha ee Boorama waxa la Guddoomsiyey 2,000 oo Dollar, Mustafe Xuseen Xirsi oo ka Socday Cisbitaalka Dhimirka ee Hargeysa waxa la guddoonsiyey 2,500 oo Dollar, halka Gobolada kalena Xarumahooda lagu guddoonsiindono.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com