Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socdaal nasasho ah ku maraya Ingiriiska, ayaa kulan la yeeshay Guddida xisbiga KULMIYE ee UK

Madaxweynaha iyo UkLONDON (MAANTASOMALILAND)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socdaal nasasho ah ku maraya Ingiriiska, ayaa kulan la yeeshay Guddida xisbiga KULMIYE ee UK, kaasi oo ay iskaga xog-waraysteen waxqabadka xukuumadda ka dhalatay xisbigaasi iyo sidii loo sii xoojin lahaa mashaariicda wax-qabad ee xukuumaddu ka waddo dalka.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Guddida KULMIYE iyo xubnaha xisbigaas ee ku dhaqan dalka Ingiriiska uga mahad-celiyay kaalinta wax ku oolka ah ee ay kaga jiraan horumarinta dalka. Waxaanu uga warramay xaaladda guud ee dalka ee horumarinta dhaqaalaha,waxbarashadda, caafimaadka, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo siyaasaddaba.
Madaxweynuhu waxa uu u soo jeediyay inay sii adkeeyaan iskaashigooda xisbinimo iyo muwaadinimaba.

uk

Xubno ku hadlayay magaca Guddida KULMIYE ee Ingiriiska ayaa iyaguna madaxweynaha ku bogaadiyay horumarka xukuumaddu samaysay waxaanay balan-qaadeen inay ka go’an tahay inay ku taageeri doonaan sidii looga midho dhalin lahaa himiladda xukuumadda.

Kulankaasi waxa goob joog ka ahaa Wasiirka waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, wakiilka Somaliland ee UK Cali Aadan Cawaalle iyo Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com