Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waxaa maanta lagu daah furay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa Mashruuca horumarinta Somaliland kaasoo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee dalka Somaliland laga hir galiyo

Waxaa maanta lagu daah furay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa Mashruuca horumarinta Somaliland  kaasoo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee dalka Somaliland laga hir galiyo

Ugu horrayn Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka  Sacad Cali Shire oo ka hadlay Mashruuca horumarinta Somaliland ee  shalay la daah furay wa uu kaga duwan yahay kuwii hore ee ay Somaliland ka heli jirtay caalamka,ayaa yidhi.

SAM_2008

“Maanta waxaa inoo wada sharaf ah dawlad iyo dadweyneba inaan isugu wada nimaadno sidii aynu u furi lahayn mashaariic horumarineed oo  laga maal galinayo  Sanduuqa Horumarinta Somaliland,sidaad la socotaanba dawladaha hore u maray waddamada ka sabool san ama ka hooseeya sadex siyood ayay u caawiyaan sadexdaasoo kala ah.

1.Waa Dawlad ka dawlad caawimada ay siiso ama kaabidda bajadka waxa loo yaqaan jidkaa waxaa lacagta la isku mariyaa marka ay labada dawladood is ictiraafsan yihiin,inaga(Somaliland) wali la inama ictiraafin markaa jidkaasi inooma furna.

SAM_2005

2.Waxaa uu yahay ka labaadna in ay cid dhexe u soo mariyaan gaar ahaan hayadahainaguna waxaynu ka mid nahay dalalka ay cidda dhexe u soo mariyaan caawimada jidkaa dhexe la soo mariyo ee hayadaha caalamiga ah ama kuwa qaramada midoobay la soo mariyo  waxa lagu qabanayo iyo meelaha wax lagaga qabanayo waxaa go,aamiya ciddaa loo soo dhiibay  inteenna loogu talo galay in ay mashaariidaas ka faa,iidaystaan talo gaaban ayaynu ku leenahay.

3.Habka Sadexaad waxaa weeye habka Sanduuqa,mashaariicda aynu maanta daah furaynaa waxay hoos timaadaa deeqaha iyo lacagaha la soo mariyo habkaa Sanduuqa,habka sanduuqu waxaa uu kuwaa kale kaga duwan yahay wali lacagta waxaa gacanta ku haya ciddii bixisay iyo cidday iyadu u igmatay, laakiin mashaariicda lagu qabanayo waxa ay noqonayaan,halka laga fulinayo iyo habka ay noqonayaan waxaa iska leh cidda la siinayo oo ah inaga.”ayuu yidhi Wasiir Sacad  Cali Shire.

Waxaa kaloo isna halkaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ka hadashay kaalinta ay Wasaaradeedu kaga qayb qaadanayso mashruuca horumarinta Somaliland ee shalay la daah furay,waxaana hadalkii Wasiir Shugri ka mid ahaa.

SAM_1994

“Waxaanu marka ugu horraysa ka duulaynaa sidii dalkan dhulkiisa loogu soo celin lahaa gacanta Dawladda isla markaana loo baabiin lahaa seerayaasha ama beeraha  sharci darada ah ee la iska ootay mana dhici doonto in dhul dadku wada leeyahay  inta uu qof iska ooto in uu sheegto,waxaa kaloo aanu wadnaa oo aanu dalka oo dhan ka samaynaynaa seerayaashii dalkani uu  lahaan jiray,seerayaashu kuma koobna oo kaliya labada imika hadal hayntoodu inagu badan tahay ee Aroori iyo Qool-caday,laakiin gobol kastaa wuxuu leeyahay  dhul seere ahaan jiray kaasoo aanu soo celinayno anagoo iska kaashanayna wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo dadka deegaanka,waxaa kaloo aanu awooda saaraynaa sidii aanu ula dagaalami lahan xaalufinta iyo nabaad guurka dhulka lagu hayo muhiimaduna waa in aanu badbaadino dhirta qoyan ee la jayaro,arrintaana waxaanu iskaashi buuxa laka yeelanaynaa dadka deegaanka,ciidamada nabad gelyada guddoomiyeyaasha gobolada iyo guud ahaan wax garaka bulshada,waxaa kale oo aanu wadnaa qorshe ah in ciida laga ilaaliyo nabaad guurka oo dhulka la nafaqeeyo.”

    Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somailand Dr Cabdi Aw Daahir Cali,ayaa isna ka xog warramay ahmiyadda ay bulshada  iyo xoolaheenaba ay u leedahay samaynta seerayaasha Qool-caday iyo Aroori waxaanu meesha ka saaray warar aan jirin oo dadka lagu jaah wareeriyay.

SAM_1992

“Waxaan dadkeenna u sheegayaa oo aan mar labaad ku celinayaa waar nolosheenu xoolo ayay ku xidhan tahay oo waa laf dhabarka dhaqaalaheenna,xooluhuna dhul ay daaqaan oo aynu u hagaajino ayay u baahan yihiin waxaanu doonaynaa in aynu ka gudubno qaabka aynu hadda nahay ee ah xoolo raacato oo aynu noqono xoolo dhaqato,waxaan doonaynaa In ay xoolaheenu helaan seerayaal dadku wada leeyahay oo duunyadeenu daaqdo oo marka abaarta ay ka helaan calafkii ay cuni lahaayeen oo dhakhaatiir caafimaad ay ugu diyaar tahay,seerayaasha Qool –caday iyo Aroori waxaa iska leh dadka deegaanka iyo bulshada reer Somaliland waa seerayaal la wada leeyahay oo aan cid gaar ahi lahayn,seere aanu Al-Jaabiri u xidhayno iyo mid aanu maxjarka indha-deero u xidhayno midna ma jiro ee dadka reer Somaliland,ayaanu u xidhaynaa oo naga go,aan ah oo waajib na saaran ah oo aakhiro la ina weydiinayo haddii aynu gudan wayno, seere Cabdi Aw Daahir xidhayaana ma jiro ee Qaranka Somaliland, oo aynu ka wada mid nahay ayaa xdhaya ee nagala qayb qaatao oo ka daaya tashwiishka iyo dacaayadda waa mustaqbalkii nolosheenna e.”

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole,ayaa dhankiisa sheegay in muhiimadda koowaad ay saarayaan xidhista dooxyada dalka  kuwaasoo ay ugu horaysiinayaan Boorame illaa Burco.

SAM_2002

“Waxaanu awooda koobaad saaraynaa in aanu qabanno biyaha dooxyada ee ina dhaafa anagoo marka koowaad ku bilaabaynna Boorame illaa Burco,taasoo ah hawl aad u adag una baahan aqoonteeda iyo kartideena,waxaan is weydiinay markii aanu ku fikirnay in aanu dooxyada xidhno halkaan ka bilaabi lahayn,haddaan Hargeysa ka xidhno dooxeeda waxba maanu qaban laakiin waxaan tagnay oo aanu sahan ugu baxnay halka uu doox kastaaba ka soo bilaabmo,taasina waxay nooo sahashay in aanu kaga hawl galayno in aanu doox kasta halka uu ka soo bilaabmo ka bilawno qabashada biyaha mara,waxaana ka hawl galaya marka laa reebo inta uu nooga baahdo aqoon yahan dadka deegaanka doox ksataba kuwaasoo kuna tababaranaya isla markaana  ka helaya shaqo abuur inta mashruucu socdo oo lacagtu ay galayso dadka deegaanka.”

Daah furka mashruuca horumarinta Somaliland oo ahaa kii ugu balaadhnaa ee noociisa ah ee lagaga dhawaaqo Somaliland,ayay dhaqalihiisa bixiyeen dawladaha Ingiriiska  iyo Denmark

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com