Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisbiga Mucaaridka ee UCID ayaa Beeniyey War lagga baahiyey oo ku saabsanaa in Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali waraabe sheegay in Xisbiga Waddani aanu doonayn in doorasho dhacdo

Xisbiga Mucaaridka ee UCID ayaa Beeniyey War lagga baahiyey oo ku saabsanaa in Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali waraabe sheegay in Xisbiga Waddani aanu doonayn in doorasho dhacdo, waxayna sheegen warkaasi in uu yahay mid been abuur ah oo Guddoomiyahooda laga sameyey oo aanu odhan hadalkaasi, Sidaasi waxa sheegay Af-hayeenka Musharixiinta Xisbiga Ucid Naasir Bedel ismaciil oo shirjaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa.

Isaga oo Arrintaasi ka hadlayan waxa uu yidhi. “Waxan halkan ku beeninaynaa War ku soo baxay Wargeyska Saxansaxo oo lagu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe uu sheegay in Xisbiga Waddani aanu Doonayn in doorasho dhacdo, runtii warkaasi Wargeysku qoray waa mid aan sal iyo raadtoona lahayn, xaqiiqdana ka fog, war guddoomiyaha ka soo baxayna ma ah, Xisbiga WADDANI waxaynu ognahay in warbaahinta uu ka hadlay isaga oo leh doorashada hala qabto, marka warkaasi waa mid been abuur ah.”Ayuu yidhi Naasir Bedel ismaciil

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com