Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay Allaah ha u naxariistee Geerida ku timi Suxufigii Ruug-caddaaga ahaa ee Cabdiwali Faarax Jaambiir oo gelinkii dambe ee Arbacada maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay Allaah ha u naxariistee Geerida ku timi Suxufigii Ruug-caddaaga ahaa ee Cabdiwali Faarax Jaambiir oo gelinkii dambe ee Arbacada maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

MADAXWEYNE SIILAANYO IYO CABDIWALI JAAMBIIR

Waxaanu Madaxweynuhu Tacsi u diray Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo guud ahaan Bahada Saxaafadda Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyey Geeridaas. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Allaah uga beryey inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo, Samir iyo Iimaan Saadiq ahna ka siiyo Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta iyo guud ahaan Bahda Saxaafadda Somaliland.

Waxa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed qoraal ah oo caawa ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo Nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews waxa uu u dhignaa sidan:-

TACSI MADAXWEYNE: IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada, Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii ee uu ka baxay Maareeyihii Wargeyska Ogaal Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Suxufi door muhiima ka soo qaatay heerka saxaafada Dalku ay maanta taagan tahay,  waxaanu madaxweynuhu si gaara u tacsiyadaynayaa Walaalkii Muuse Faarax Jaambiir oo ka mid ah odayaasha Saxaafada Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga beryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna  Samir iyo Imaan ha ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com