Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawlada hoose ee magaalada hargaysa ayaa tan iyo intii loo doortay Golaha deegaanka caasimada magaalada hargaysa,aan waxba ka qaban bilicdii Magaalada daawo

Dawlada hoose ee magaalada hargaysa ayaa tan iyo intii loo doortay Golaha deegaanka caasimada magaalada hargaysa,aan waxba ka qaban bilicdii Magaalada,taasina ay badalkeedi noqotay qashin buux dhaafiyay wadooyinka hareeraheeda,sababi karana cudurada kala gadisan.

Wadooyinkii ugu muhiimsanaa magaalada hargaysa ayaa gabi ahaanba burburay,waxaana isna Dilaacay Biriishkii waynaa ee magaalada hargaysa,halka biriishkii 2aadna isna hareerihiisa kasoo baxeen geedka loo yaqaano garanwaa.

Shacabka ku dhaqan magaalada caasimada u ah somaliland ee hargaysa ayaa walaac xoogan ka muujiyay habac sanaanta ka muuqata dawlada hoose oo ay ku sifiyeen qaar garan waayay wixii loo soo doortay.

Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa mudooyinkan u danbeeyay la ciir ciiraysa qashin

daadsan goobaha halbawlaha ah ee dadku iskugu yimaadaan,kadib markii shirkadihii qashinka qaabilsanaa ee qandaraaska ku haystay ay waayeen cid la xisaabtanta,oo ka daba shaqaysa taasina ay noqotay hawlgab ku dhacay golihii deegaanka Caasimada Hargeysa.

Habeenkii xalay ahaa waxa magaalada hargaysa ka da’ay roob aad u wayn Saacado Badana  kala xidhay isku socodka gaadiidka ka dib markii uu kusoo fatahay wadooyinka gudaha magaalada,sababayn inuu gooyo wadooyin ka mid ah.

Balse waxa talaabo ah oo ay ilaa hada qadeen golaha deegaanka ee magaalada hargays haba yaratee ma jirto,Waxaana ay u muuqdaan qaar gabay shaqadooda ay shacabka magaalada hargaysa u igmadeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com