Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mareykanka ayaa laba weerar oo dheeraad ah ku qaaday kooxda Islaamiga ah ee ku xoog badan Waqooyiga dalka Ciraaq.

 

Mareykanka ayaa laba weerar oo dheeraad ah ku qaaday kooxda Islaamiga ah ee ku xoog badan Waqooyiga dalka Ciraaq. Waaxda difaaca ee Mareykanka ayaa sidaasi sheegtay.

Mareykanka waxa uu xoojiyay duqeynta ka dhanka ah Daacish

Diyaaradaha duuliya la’aanta ah ee Mareykanka iyo kuwa Ciidammada Badda, ayaa weerar cayiman ku qaaday meel ku dhow magaalada Irbil, oo ah meesha uu ka dhacay weerarkii ugu horeeyay ee Mareykanka uu qaaday subixii Jimcaha.

Kooxda sunniyiinta ah ee Daacish ayaa ku xooggan qeybo kamid ah dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Tobannaan kun oo qof oo ka soo jeeda dadka laga tirada badan yahay ayaa guryahooda ka qaxay kaddib markii ay weeraro kala kulmeen. Daacish oo sidoo kalena loo yaqaano ISIS, ayaa qabsatay qeybo muhiim u ah Ciraaq.

Weeraradan cirka ah ayaa noqonayo kuwii ugu horeeyay ee Mareykanka si toos ah uu ugu qaado Ciraaq, taas oo qeyb ka ah howlgalada militariga uu Mareykanka ka waday tani iyo 2011-kii markii ciidamadiisa ay ka bexeen dalkaasi.

Weeraradii labaad, diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee Mareykanka waxa ay burburiyeen xarun waxaana ku dhintay koox kamid ah dagaal yahaniinta, sida ay waaxda difaaca ee Mareykanka ee Pentagon ay sheegtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com