Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa markii u horaysay ka hadlay Aragtidiisa ku aadan Muranka dhuleed ee u dhexeeya Beelaha Cabdalle Arab iyo Habarjeclo ee Degaanka Diiriye Guuleed

Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa markii u horaysay ka hadlay Aragtidiisa ku aadan Muranka dhuleed ee u dhexeeya Beelaha Cabdalle Arab iyo Habarjeclo ee Degaanka Diiriye Guuleed.Waxa uu xukumadda ku dhaliilay inaanay dadkii ehelka u ahaa xalinta khilaafkaasi u marin, isagoo sheegay inay ahayd in Wasiirka daakhiliga iyo Madaxdhaqameedka loo daayo arintaasi.

Suldaanka Oo Shir Jaraa’id ku qabtay Hargeysa Waxa uu sidoo kale sheegay in Qarniyo ay lahayd Dhulka Baliga Diiriye Guuleed beesha Cabdalle Arab wakhtigana aanay ahayn mid gorgortan iyo gar laga galo. Waxa uu sheegay in Wasiirada loo diray degaanka la isku haysto qaarkood aanay xataa degaankaba aqoon u lahayn.

“Dadka deegaanka Cabdalle arrab waxay fariin ahaan nagu soo gaadh-siiyeen inaanay Ciidankii qaran ee la dhex dhigay aanay waajibkoodii gudan. Xukuumadda cid-baa Amniga u qaabilsan oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Cuqaasha iyo Salaadiintu Wasiirka arrimaha gudaha ayey hoos yimaadaan, wasiirrada kale ee meesha ordayaa qaar baan garanayn deegaankaba, ma-tallan Wasiirka Boosaha deegaankiisiiba maaha, arrin Somaliland ah wuu ka hadli karaa, laakiin markay arrintu deegaan ku salaysan tahay. Halka uu Suldaan Cumar Suldaan Maxamed ka yidhi Toddobaatan sanadood ka hor, waxaan leeyahay way ka horaysay oo laba Saddex qarni ka hor Beesha Cabdalle Arrab way deganayd, meeshuna ayey Kalshaalle oo kale innaga noqonin” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu sheegay in dadkii Aqoonta u lahaa lahaanshaha dhulka la isku haysto ay Burco joogaan islamarkaana ay eegayaan sida ay uga caddaalad falaan.

“Caaqilkii ugu weynaa Cuqaasha reer Burco ee Faarax Suusle hadii ay dadkiisii cidi ka nooshahay inkastoo nolol ku oggaa Maxamed Faarax Suusle hala way diiyo. Magaalada Burco waa la garanayaa dadkii 1991-kii soo galay ilaa Koontaroolka looga soo baxo dhinaca Berbera annagaa dadka dejinay Madaxweyne, oo jagooyinka siinaynay markii Burco la joogay ee dalka la soo galay wixii intaas ka horeeyey deegaan-bay ahayn, laakiin markii Kaantaroolkaas iyo kii Bari is qabsadeen ayuu Murankani dhashay. Odayaashii iyo Madax-dhaqmeedkii reer Burco way joogaan waxaanu eegaynaa inay Caddaalad ku dhex galaan labada Beelood, laakiin in laga garnaqsado meesha ma taalo, wax garnaqsi oo meeshan yaallaa ma jiro Laba iyo Saddex qarniba meeshan Cabdalle Arab ayaa degannaa intaas-na cid isku qabatay iyo cid ku wada-hadashay maanu maqal. Dalkeena nimcaa fadhidadiibaa qofkastaab halkii uu arkaba lihi iska odhanayaa wallee kama kaco. Xukuumadduba Wasiirka arrimaha gudaha iyo cidii kale uu garab iyo gaashaan uga baahan yahay isagaa ku darsane ha u dayso”Ayuu Suldaanku yidhi

Ugu dambeyn waxa uu Suldaan Maxamed Sheegay inaan wado saxa loo marin dhexdhexaadinta labada beelood ee dhulka ku muransan “Arrinta shaqaaqada ka taagan Burco waxaan leeyahay maaha mid wadadii ku dhacday, balse waxaan leeyahay Madaxweynaha Su’aal ha iga ahaatee Wasiirradii Xukuumadda waxaad ka dhigtay Cuqaal, arrinka meesha yaalayna waxa uu ahaa arrin dhaqan oo Cuqaal iyo Suldaan ayuun-baa lahaa, markaa Madaxweyne Salaadiintii Somaliland mid-bay kaaga cabanaysaa oo ah inaad arrimihii dhaqanka ay noo waydaarteen Wasiirradaadii, waxaanu leeyahay arrimaha dhaqanka haloo daayo Salaadiinta reer Somaliland, iyagaa wax ka qabanaayee. labada beelood ee meesha isku haya waxa dhex-dhexaadin kara Salaadiinta iyo Cuqaasha reer Somaliland, shaqsiyanna Suldaan Maxamed ahaan waan kaaga cabanayaa. Ciidanka qaranka waxa loo samaystay nabadgelyo, hadii ay intaas in leeg ku darsadaanna waxa waajib ah in Xukuumaddu ka qabato, Ciidanka qarankuna inuu noqdo mid reeraysan waa mid subxaanalle.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com