Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ilaalinta Hantida Qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Arimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, halkaasi oo ay kaga wada hadleen arimo la xidhiidha Wasaaradda Daakhiliga.

Ilaalinta Hantida Qaranka iyo dabagalka Musuqmaasuqa ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka Arimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, halkaasi oo ay kaga wada hadleen arimo la xidhiidha Wasaaradda Daakhiliga.

Kulankan oo Albaabadu u xidhnaayeen saacaddo badana ka socday Xarunta Wakiilada ayaa markii uu dhamaaday waxaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay Gudoomiyaha Guddida Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama) iyo wasiir Warancadde, waxayna sheegeen inay si fiican islu afgarteen waxyaabihii gudddidu wasiirka ugu yeedhay.

“Anagoo ah Guddida Hantida Qaranka waxaanu maanta la kulanay Wasiirka Daakhiliga. Waxaanu ka wada hadalay oo uu xog naga siiyay hawlaha uu qaranka u hayo, anaga guddi ahaana waxaanu ku balanay inaanu ka wada shaqayno hawlaha Qaranka danta u ah. Xogwaran balaadhan ayuu na siiyay waxaanuna ku heshiinay sidii aanu u wada shaqayn lahayn” Ayuu yidhi XildhibaanMaxamed Cali Xirsi(Obama) Oo ka gaabsaday inuu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo xoga wasiirku u sheegay.

Wasiir Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay inay Guddidu waydiisay Su’aalo la xidhiidha Hawlaha Wasaaraddiisa “Guddidu way ii yeedhay,waxayna I waydiiyeen su’aalo aan aad u jeclaystay, Waayo? Dawladdeenu waa mid isku xidhan, mar walbana in la iska war hayo ay tahay, waxaa muhiim ah in hawlaha socda ay Guurtida iyo Wakiiladuba Ogaadaan.markaa runtii su’aalo badan ayay I waydiiyeen, waxaanuna iskula garanay si fiican, wixii dambe ee ay nooga baahdaana diyaar baanu u nahay markaa intaas ayaa na kala gaadhay maanta guddida” Ayuu yidhi Wasiir Warancadde

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com