Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa beeniyay inay isaga iyo madaxweynuhu is khilaafeen

Wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa beeniyay inay isaga iyo madaxweynuhu is khilaafeen islamarkaana uu gudbiyay warqad iscasilaad ah.

Qaar ka mid ah warbaahinta Internetka ayaa shalay baahiyay in Wasiir Biixi is casilaad gudbiyay ka dib markii ay madaxweyne Siilaanyo is qoonsadeen. Hase yeeshe Wasiir Biixi oo xalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wararkaas beeniyay, “Waa war been ah, oo wax alaale wax ka jira ma jiraan, oon sal iyo raad midna lahayn, War saxana maaha, waanay iska hadlayaan, wax ka jiraana ma jiraan, Madaxweynaha iyo aniguna aad iyo aad ayaanu iskugu fiicanahay, mana jirto sabab aanu isu khilaafnaa. Markaas wararkaasi waa warar ay baahiyeen dad aan masuuliyiin ahayni.” Ayuu

yidhi Wasiirka arrimaha dibaddu.

Wasiirka oo la su’aalay bal qodobada ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Nicholas Kay, ka wada hadleen, wuxuu yidhi “Madaxweynaha ayey is arkeen Nicholas Kay, Wasiiradii oo aan anigu hormuud u ahay ayey is arkeen, oo Wasaaraddaydu ku jirto , oo Dhaqaalaha leh, oo Nabadgeliyada leh, oo Madaxtooyada leh, oo Cadaalada leh, Wasiiradu way u dhammaayeen, kulamo fara badan ayaa jiray, Madaxweyne ku xigeenka wuu la kulmay, Guurtida iyo Baarlamaanka way kulmeen, waxa uu la kulmay Ururada Bulshada, waxa uu la kulmay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, waxa uu la kulmay dad fara badan oo kala gedisan, muhiimada ugu weyna waxa uu ahaa sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka Somaliland iyo Qaramada Midoobay la iskuna soo dhaweyn lahaa in laga shaqayo”.

Wasiirka Arrimaha Dibada oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Sida lala socdo Hay’addahan Laabatanka ah ee Wadanka jooga ee Qaramada Midoobay leeyihiin Nicholas Kay ayaa madax u ah, oo ay hoos yimadaan, dadka intooda badana waxa ay u haystaan inuu xaga Siyaasada uun ka shaqayo, laakiin Hay’addaha iyo Qaramada Midoobay oo dhan ee dalka jooga isag ayaa Masuul ka ah, laba Nin ayaa uga hooseeya, oo midi qaabilsan yahay Horumarka iyo arrimaha Binadaanimada, waxa ugu weyn ee aanu Maanta ka wada hadlaynay waa arrimaha ku lug leh Binadaanimada ee leh Abaaraha soo noqnoqaya iyo sidii la inooga caawin lahaa, Nabadgeliyada iyo sidii aynu u wada xoojin lahayn, Shaqo weyn oo wanaagsan ayaa UN-ka iyo Geeska Afrika, marka xagga Nabada iyo la dagaalka Argagaxisada iyo xagga Burcad baddeed tusno waxa ay Somaliland qabsatay, Xasiloonida jirta, si war sugan ay inooga gaadhsiiyaan Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Warbixinahooda Saddexdii Biloodba mar soo baxa, iyo isaga oo aynu doonayno inuu indhihiisa ku arko horumarka Somaliland gaadhay, diyaarna u nahay inaanu arrimo badan kala shaqayno ha u badnaanto dhinaca Tababarka”.

Wasiirka oo la su’aalay bal inay Nicholas Kay kala hadleen arrimaha kooxda Khaatumo, oo ay dadka qaarkii ku doodaan inuu hoosta ka taageero, ayaa wuxuu yidhi “Warkaas waxba kama jiraan, waxayna Qaramada Midoobay ka shaqeeyaan nabadgeliyada, Horumar iyo Binadaanku meel kasta oo uu joogo sidii uu u yeelan lahaa xuquuq, si uu xoriyatul qawl u heli lahaa, shaqada UN waa ka xaaran inay cid abaabulaan, laakiin waanu kala hadalnay inay Khaatumo tahay dad rabshad wadayaal ah, waxa aanu u sheegnay in aanu wada hadal diyaar u nahay oo qofkii wax tirsanayaana inuu Miiska wada hadalka soo fadhiisto, waanu ka hadlay in Puntland aanu jaarnimo isku leenahay, in Xuduudaygu yihiin Xuduudo la wada yaqaano oo mucayin ah, markaas waxba kama jiraan warkaas la leeyahay Nicholas Kay rabshado ayuu huruniyaa”

Wasiirka Arrimaha Dibada waxa la weydiiyay ciidanka loo samaynayo ilaalinta qodista shidaalka Somaliland iyo inay saamayn ku yeelaynayaan siyaasadda dibadda, wuxuu yidhi “Siyaasada Arrimaha Dibada anaga ayaa hormood ka ah, waxa aanu u sameeynaynaa waa in aanu sugno ammaanka dadka inoo imanaya ee doonaya inay Shidaalka baadhaan, Qaramada Midoobay waanu kala hadlaynay, Nicholas Kay waanu kala hadlanay, markii hore ee ay yimadeen waxa la socday Ciidan iyaga u gaar ah oo ammaanka ah, halka ajaanib Dhulkii, Degmadii iyo Dhaqankii midna aanay garayn ay ilaalinayaan qolooyinkaas, waxa aanu isla garanay in aanu sameeyno dad iyagu reer Somaliland ah, oo ku kooban Booliska iyo Milatariga, Tababar gaar ahna la siiyo, oo ammaanka suga, oo dadka iyagu meesha qodaya ay Nabad ku nooladaan, oo aanu wacyigelin fara badan dadka siino, oo aanu ogeysiino waxtarta iyo wanaaga ay leedahay in dadka shidaal loo qodaa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com