Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hogaamiyaha Somaliland u Baahan Tahay Waa Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Aqoon Yahan Jamaal Cali Xuseen.

dalka waxa ka dhacay doorasho dhiig ku daaday oo boob iyo cadaalad daro

Hogaamiyaha Somaliland u Baahan Tahay Waa Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ee UCID Aqoon Yahan Jamaal Cali Xuseen.

Qormadii 1 aad:

Somaliland waxa ka jira hogaan xumo tii ugu liidatay tan iyo markii ay Somaliland la soo noqotay xoriyadeeda sanadkii 1991-kii ,Somaliland oo ilaa mudadaasi soo martay marxalado kala duwan ayaa waxay ka soo gudubtay xaalado dhaqaale,siyaasadeed oo adag mudadaasi,waxana waqti kasta soo dhaafinayey hadba hogaamiyaha markaasi xilka hayey.

Sandkii 1991-kii markii madaxweyne C/raxmaan Tuur xilka madaxweyne loo doortay waxa uu la kulmay caqabado waaweyn oo madaxdii jabhada ayuu waxba ka dhisi kari waayey,mudo laba sano ahayd ayuu dalku qas iyo jahawareer ku jiray,kadib wuxuu ilahay u soo diray dalka Allaha ha u naxariistee Madaxweyne Cigaal oo ilaa

intii uu ka geeriyoonayey dhisay dhamaan tiirarka dawlada maanta Somaliland hadhsanaysaa ku taagan tahay,wuxuu sameeyey hub ka dhigistii maleeshiyaadka kala duwan ee Somaliland,wuxuu sameeyey dastuurkii dalka lagu hogaamin lahaa,wuxuu sameeyey ciidamada kala duwan ee dalka,wuxuu sameeyey lacag u gaar ah dalka,wuxuu sameeyey calan u gaar ah dalka,wuxuu sameeyey nidaamka asxaabta badan ee dimuqoraadiyada ku dhisan,wuxuu dajiyey hanaanka dhaqaalaha dalka ,wuxuu dajiyey hanaanka caadimaadka qaranka dalka,wuxuu sameeyey dhamaan wixii dawladi ku dhismi lahayd oo dhan halkanna wax aynu ku soo koobi karno maaha.

Markii marxuum cigaal geeriyooday sanadkii 2002-kii ee talada dalka loo dhiibay Daahir Rayaale Kaahin wuxuu qabtay waxay ahayd in nidaamkii la dhisay sidii uu ahaa u ilaaliyo oo uu ka dhawro in dhibaato soo gaadho sidi ayuu Rayaale u hayey oo waxa uu ku soo kordhiyey doorashooyin dalka uga qabsooma six or iyo xalaal ah.

Hadaba markii Siilaanyo talada dalka kala wareegay Madaxweyne Rayaale umada Somaliland wey y han weyneyd in siilaanyo wax uu dadka iyo dalkaba u qaban doono balse waxay noqotay ka daryoo dibi dhal,siilaanyo in uu dalka wax ku soo kordhiyo iska daaye wuxuu sii kala tuurayaa intii iyo wax qabadkii ay sameeyeen madaxweynayaashaasi ka horeeyey siilaanyo,mudadii uu siilaanyo dalka xukumayey waxa dalka ka dhaxay waxay ahaayeen mukhilada aynaan soo koobi Karin balse waxaynu ka xusanaa kuwan.

1: dalka waxa ka dhacay doorasho dhiig ku daaday oo boob iyo cadaalad daro ku salaysan taasi oo umadii midka ahayd ee reer Somaliland kala fogeysay.

2: waxa dalka ka dhacay musuq maasuq aan xad lahayn oo ay ku kacday xukuumada siilaanyo.

3: waxa dib xukuumada siilaanyo u soo nooleysay qabyaaladii oo umadu makrii hore iska ilawday oo beel kastaa waxay qabatay shir beeleeydo ,salka ku haya qabyaalad,kadib markii xukuumada siilaanyo soo foqday oo dalkii iyo dadkii kula dhaqantay qabyaalad qaawan ,oo ay noqotay in hadii qof shaqo la qorayo lagu qoro qabyaalad iyo waa beesha madaxweynaha.

4: waxa dalka ka dhacay sixir barar aan hore dalka uga dhicin,waxa circa isku shareeray maciishada kala duwan ee quutal daruuriga ah,sida Raashinka,shidaalka iyo wixii la mid ka ah.

5: waxay xukuumada siilaanyo iibisay dhulkii danta guud ee umadu wadab lahayd oo dano gaar ah ku fushatay.

6: waxa mugdi galay mustaqbalkii dalka iyo hiigsigii umada ee helitaanka ictiraad caalami ah.

7: mudadii siilaanyo dalka ka talinayey waxa markii ugu horeysay xuduudoodii Somaliland ka xidhay dalalkii jaarka ee itoobiya iyo jabuuti.

Akhristayaal ma soo koobi karno mushkiladaha xukuumada siilaanyo dalka u horseeday mudadii afarta sano ahayd ee uu siilaanyo talada dalka hayey.

Hadaba side ayay Somaliland dhibatooyinkaasi uga bixi kartaa? Yaa se ka saari kara?

Sida la og yahay dal kasta hogaamiyihiisa ayaa amah ore u wada ama dib u rida,sidaasi daraadeed waxa hubaal ah in maanta Somaliland u baahan tahay hogaamiyaha ahna murashaxa xisbiga cadaaladda iyo daryeelka UCID Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen,waa nin cilmiga dhaqaalaha ka bartay jaaamcada Harvard University ee dalak maraykanka ,wuxuna ka soo shaqeeyey in ka badan 20 dalk oo aduunka ah,waa aqoon yahan la socda xaalada dalka waa nin furfuran oo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada si degan uga dhaqma oo dhageysta dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland .

La soco qaybaha danbe ee qormooyinkan.

Qore:Axmed C/risaaq Maxamed

Email:axmed-1994@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com