Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Digreeto Qoraal ah oo la sheegay in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo habeennimadii Khamiistu soo galaysay ku kala diray

Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Digreeto Qoraal ah oo la sheegay in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo habeennimadii Khamiistu soo galaysay ku kala diray toddobada Xubnood ee Guddiga doorashooyiinka oo muddo-xileed shan sano oo sharciyan ay tahay inay shaqeeyaan kaga dhammaanayso 29-ka October ee sannadkan 2014-ka.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Guddigaas Axmed Maxamed Xirsi Geelle, sida ay Warbaahinta qaarkeed faafiyeen xalay, ayuu Guddoomiye Geelle kaga warramay wakhtigooda dhammaanaya, kala-dirista la sheegay in Madaxweynuhu u qoray, talo dhex-martay Xisbiyada Siyaasadda, Xukuumadda iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera doorashooyinka iyo go’aan uu Madaxweynuhu arrintaas ka qaatay iyo weliba baaxadda culus ee ay leedahay hawsha ay wakhtigan gacanta ku hayaan Guddi ahaan.

Haddaba, Qoraalkaas Guddiga doorashada ka soo baxay oo aan Warbaahinta oo dhan loo wada dirin, balse ay Saxaafadda Somaliland qaarkeed heleen, isla markaana ay baahiyeen xalay, waxa uu u dhignaa sidan:- “Xilkasta oo Qaran waxa uu leeyahay muddo, taasoo uu ka mid yahay Komishanka (Guddiga) doorashooyinkuna, waxaana la doortay shan sano inaynu hayno xilka, waxaana wakhtigaasi uu ku eeg-yahay muddadii xilkayagu Bisha Oktoobar ee soo socota 29-keeda, sidaad la socotaan Kala-dirista Guddiga doorashooyinku waxa uu kusoo hagaagay xilli ay socoto hawl culus oo adagi, taasoo uu Komishanku doorashooyinku gacanta ku hayo hataan, oo ah hawsha diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha iyo doorashooyinkii oo loo sii diyaar-garoobayo ay ka mid yihiin.

Marka la arkay muddaadii oo ku dhow inay dhammaneyso, talada guud ee Asxaabta Mucaaradka, Xukuumadda iyo Qadhaan-bixiyayaashuba is-waydiiyeen waxa ay ahayd, in Komishan (Guddi doorasho) oo cusub la magacaabo ama iyagaba (kuwa hore) la iska daayo, taasoo markii danbe go’aan Madaxwaynaha Somaliland ka gaadhay, markaas Warqada uu Madaxwaynaha Somaliland soo saaray ee uu u qoray dadkii soo magacaabayay Xubnahoda Komishanka uu meteli lahaa, Komishankana waad ogtihiin oo meelo kala duwan ayaa laga soo magacaabaa.

Madaxwaynaha Somaliland waxa uu magacaabaa saddex xubnood, Guurtidu waxa ay magacowdaa laba xubnood, labada Xisbi Mucaarad iyaguna midba xubin ayuu soo magacaabaa, sida uu Xeerkeennu hadda yahay. Markaas, Warqadda uu Madaxwaynahu qoray sidaas ayay tahay, waanay bannaan tahay in Komiishankii hore la soo celiyo iyo in mid cusub hadda la keensado. Laakiin, annaga Warqad nalagu kala diray haba-yaratee ma jirto.”

Khamiistii ayay Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Saxaafadda u sheegeen in Madaxweynaha Somaliland soo saaray Qoraal uu u kala diray UCID iyo WADDANI, kaasoo uu kula socodsiiyey inay soo magacaabaan xubnaha ay Sharci ahaan ku leeyihiin toddobada xubnood ee Guddiga doorashooyinka Qaranka, waxaanay ka gaabsadeen inkasta oo ay maqleen inaanay arag, xaqiijinna karin in Madaxweynuhu si rasmi ah u kala diray Xubnaha Guddiga doorashada oo wakhtigoodu ku dhammaanayo 29-ka bisha October ee sannadkan 2014-ka.

Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland, ayaa magacaabi jiray Sharci ahaan midkastaaba hal xubin, halka Golaha Guurtiduna magacaabo laba Xubnood, Madaxweynuhuna saddex xubnood, sidaas oo ay ku noqdaan toddoba xubnood oo masuul ka ah qabashada, hirgelinta iyo wakhtiyeynta Doorashooyinka dalka Somaliland ka dhacaya.

Inkasta oo ay Masuuliyiinta Xisbiyada UCID iyo WADDANI hore u sheegeen inay soo jeedinayaan in la isaga yimaaddo arrinta xubnaha Guddiga doorashooyinka ee wakhtigoodu dhammaadka ku dhaw yahay, isla markaana halka ay tiradoodu toddobada xubnood hadda ka tahay laga dhigo Sagaal xubnood, iyagoo ku dooday inay toddobada xubnood ka culus tahay baaxadda hawsha Qaran ee ay tahay inay qabtaan, sidaa awgeed-na loo baahan yahay si culayska hawsha loo fududeeyo laga dhigo 9 xubnood, haddana waxa qoraalkani soo baxay iyagoo Madaxweynaha iyo Madaxda Xisbiyadu si gaar ah uga arrinsan tiradaa hore in sideeda loo daayo iyo in wax laga beddelo toona.

Toddobada Xubnood ee Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa xilka loo magacaabay 29-kii bishii October sannadkii 2009, ka dib markii ay Guddigii iyaga ka horreeyey ku fashilmeen inay doorasho qabtaan, isla markaana xiisad siyaasadeed iyo muranno ka dhashay dib-u-dhacyo doorashada ku yimi iyo muddo-kordhin loo sameeyey Madaxweynihii wakhtigaan Md. Daahir Rayaale Kaahin inay masuuliyadda qayb ku leeyihiin lagu eedeeyey, markaasoo ay dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera hirgelinta dimuquraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka oo khilafka u dhexeeyey Mucaaridka iyo Xukuumadda ka garnaqay, ka dib la isla qaatay inay iska casilaan xilka, ka dibna ay iska casileen.

Waxay Toddobada Xubnood ee Guddiga Doorashooyinka ee dhawaan shaqada ka tagayaa intii ay xilka hayeen ku guulaysteen hirgelinta laba doorasho oo ay Somaliland ka qabteen, labadaas doorasho oo kala ahaa doorashadii Madaxtooyada oo lagu doortay Madaxweyne Siilaanyo qabsoontayna 26 June 2010-kii iyo doorashadii Dawladaha Hoose oo Somaliland ka qabsoontay 28-kii November sannadkii 2012-kii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com