Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Duqeyda iyo madaxdhaqameedka beelaha Warsangari, ee xiligan ku sugan Shirka beelahaasi uga socda Degmada Xiingalool,ayaa cabasho iyo codsi u gudbiyay Xukuumada Somaliland taas oo ay kaga cowdeen Xadhiga Oday Cali Maxamed Saalax(Ceegaal),

war deee
Duqeyda iyo madaxdhaqameedka beelaha Warsangari, ee xiligan ku sugan Shirka beelahaasi uga socda Degmada Xiingalool,ayaa cabasho iyo codsi u gudbiyay Xukuumada Somaliland taas oo ay kaga cowdeen Xadhiga Oday Cali Maxamed Saalax(Ceegaal),oo ay sheegeen in sifo sharci daro ah oo cadaalad daro ah loogu xidhay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Duqeydan iyo Madaxdhaqameedkan, oo intooda badani sigaar ah uga soo jeedaan Degmada Xiingalool,waxa ay cabasho iyo codsi isku lamaan u gudbiyeen Xukuumada Somaliland oo ay ka codsadeen in sharciga la horgooyo hadii uu dambi leeyahey oday Cali Maxamed Saalax(Cagaal), oo hada ku xidhan Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa hadii aanu dambi laheyna xoriyadiisii loo soo celiyo iyagoo marka horeba xadhigiisa u arka cadaalad daro,iyo sifo sharciga aan waafaqsaneyn,iyagoo aan ilaa

hada aqoonsaneyn waxa uu u xidhan yahey.

Maayarka Degmada Xiingalool Yuusuf Warsame Cali Shire, oo ka hadley xadhiga Odygan katirsan Degmadiisa loogu geystey caasimada Somaliland ee Hargeysa.

“Waxaanu halkan kaga hadleynaa Xadhiga Cali Maxamed Saalax(Cegaal), oo loo arko in uu si xaqdaro ah oo aan waafaqsaneyn sharciga inuu ku xidhan yahey, xukuumada qeybaheeda kala duwan cid kasta oo ay quseyso waxaanu usoo jeedinaynaa in beesha dareenkeeda la tix galiyo in arintaa wax laga qabto, oo ninkaa xoriyadiisa loo soo celiyo”Sidaa waxa yidhi Maayarka Xiin Galool oo ka hadlayay Xadhiga Odeygan kasoo Jeeda Degmada Xiingalool.

“Cali Maxamed Saalax (Cagaal), oo hada Hargeysa ku xidhnaa mudo shan bilood ah una xidhnaa sida la sheegay ee warku nagu soo gaadhay mu,aamarad ay wadaagaan niman soodaaniyiin ah oo lagu sheegay in ay yihiin niman aan,wax cad sheeganeyn,ee usocda qaab maafiya ah iyo rag la shaqeyanaya ay Hargeysa ku xirteen,oo aan xadhigii Cali Maxamed Saalax(Cagaal),oo ahaa nin oday ah wadaad ah oo waxgarad ah oo samatalis ah,waanu garaysan kari weynay sida uu ku xidhan yahey iyo xoriyad la,aantiisa waxaanu xukuumada Somaliland ka codsaneynaa in xoriyadiisa loo soo celiyo”Sidaana waca yidhi Mid kamid ah Odoyaasha Degmada Xiingalool.

Sikastaba ha ahaatee,Xadhigan Odeygan ayaa la sheegay,in ay ka dmbeeyaan Wasiiru dowlaha Wasaarada Waxbarashada Somaliland,Axmed Nuur Faahiye iyadoo la sheegay in kooxo Suudaaniyiin ahi ay dacwad uga soo gudbiyeen Wiil uu dhaley oo ay ku sheegayaan in ay ku leeyihiin lacag dayn ah haseyeeshee,sida ay wararku tibaaxeen la sheegay in ay shuraako ahaan jireen balse ay wakhti hore kala baxeen iyadoo aan la garaneyn sababta ay lacagta ugu sheeganayaan odeyga Xidhan wiilkiisa oo hada ku sugan Boosaaso.
xigasho hadhiwanaag

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com