Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xeerka Diiwaan Galinta Madaniga Ahi Waa Sharci, Waana Xaqiijinta Muwaadinimada Somaliland

Waxaa loo gudbay golayaal qaran iyo doorasho madaxweyne iyo ku xigeen loo siiyey fursad, inay sameeyaan geedi socod nabadaysan oo dimuqraadiyada ehel u ah.

Somaliland waxay soo martay marxalado kala gedisan oo mid waliba ay leedahay waayaheeda,duruufteed, dhaqankeeda iyo hogaaminteeda taas oo aynu soo samaynay doorashooyin sida hoos ku qoran, oo mid waliba ay ku salaysnayd wayaha markaas taagnaa:-

1. Shirkii boorame oo ahaa asaaskii ugu adkaa ee lahaa qadarinta, Somalilandna u bilaabay waa cusub oo kusalaysan nabadgelyo iyo tartan loo maro siyaasada,

2. Shirkaas waxa ka soo baxay sii xoojin iyo dhaqan galin waji cusub leh oo nabadeed taas oo walaalaysay cidii iska soo hor jeeday meeshana ka saartay dareenkii colaadeed oo mudo ay ku jirtay Somaliland.

3. Waxaa loo gudbay golayaal qaran iyo doorasho madaxweyne iyo ku xigeen loo siiyey fursad,

inay sameeyaan geedi socod nabadaysan oo dimuqraadiyada ehel u ah.

4. 23 sano kadib oo la soo maray doorasho madaxtooyo, oo mid walba si lagu doortay waxa manta la gaadhay oo Somaliland u bislaatay in marka hore la helo diiwaan galin madani ah oo xaqiijinaysa runimada muwaadinka , taas oo keenaysa in muwaadiniin sugani ay fursad u helaan inay codkooda ku doortaan cida ay doonayaan sida doorashada madaxtooyada iyo kuwa golayaasha. Waxaa tijaabo fiican inoo ah oo aynu deris ka qaadanay doorashadii golayaasha degaanka oo ilaahay mahadii, dedaalka xukuumada iyo bisaylka shacbiga Somaliland ayaa inaga baajiyay khatartii ka soo baxday doorashada oo sababtu ahayd, diiwaan gelin la,aan. Waxaa layaaba in xisbiga wadani oo uu gudoomiye u yahay, gudoomiyaha golaha baarlamaanka, oo ah ninka saddexaad ee ugu sareeya qaranka xil ahaan, inuu si dadban iyo si toosa uuga soo horjeedo xeerka diiwaan gelinta madaniga ah oo hada horyaala golaha baarlamaanka, oo uu ka soo laabtay dubai toosna u yimid golaha baarlamaanka iyada oo ay doodu socoto, kadibna uu shirkii xidhay.

5. Waxaan ugu yeedhaynaa gudoomiye ciro isagana sharaf u ah, inuu furo dooda ay xaq u leeyihiin baarlamanku kadibna baarlamanku ansixiyo xeerka doorashada iyagoo xaq u leh, inay kaabaan kadibna laga doodo oo loo codeeyo,gudoomiyuhuna kaalintiisa shir gudoonka qaato, kana taxadiro inay dib usoo noqoto doodihii laga soo gudbay iyagoo ku mahadsanaa golaha guurtidu, ugu dambeyntii arinta diiwaan gelinta madaniga ah waxaa leh sharci ahaa wasaarada arimaha gudaha,oo iyaga oo ku mahadsan dhamaystiray dhamaan qalabkii kaabayaasha diiwaan gelinta madaniga ah. Sida uu cadeeyey marar badan wasiirka arimaha gudaha Mud: Ali Mohamed Warancade, lana hawl galiyey gudoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka.

6. Waxay dadku iswaydiinayaan hadaan la helin diiwan galin sugta muwaadinka, ma waxaynu fursad siinaynaa kuumankunka kunee inagu dhexnool, oo hada aynu isku milanay, oo aynu suurad ahaa iyo afsoomali ahaaba isku mid nahay, mise waxa la doonayaa doorasho kushubasho ah.

7. Golaha baarlamaanka waa hay,ada sharci dejinta oo uu hada horyaalo xeerka diiwaan gelinta waxanu ugu baaqaynaa inay ka gutaan kaalintooda dastuuriga ah ogaadaana inay doorasho xalaal ahi ku xidhan tahay , diiwan gelin xalaal ah, markaa intay meel iska dhigaan khilaafaadka samayska ah oo inta badani ay ku xidhan yihiin siyaasad kazoo jeeda qaabka inta badan uu doonayaao gudoomiye ciro inay waafaqdo, rabitaankiisa ku waajahan doorashada madaxtooyada, taasoo uu u soo maray taalaabooyin isdabajooga oo qaarkood ay abuureen halis khilaaf, oo sigtay baarlamaanka marna suurtagal noqonmayso inay iswaafaqaan musharax xisbi iyo gudoomiye baarlamaan oo dhexa oo ku dhaqma dimuraadiyad, taasa keenaysa muranka baarlamaanka dhexdiiisa,markaas kaftan ahaan waxa laydhaahda ninka laba faras fuulay dhexda ayuu ka dhacaa, waxaa haboonaan lahayd wakhtiga oo dhaw in gudoomiyuhu isku gacan baneeyo olalaha doorashada.

Hassan Suudi Hersi

Siyaasi madaxbanaan

Bashkail30@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com