Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xaddiga Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac isugu jira oo ka dhashay Muddaharaad Gilgilay Gabiley

Ugu yaraan hal qof, ayaa ku dhintay, siddeed ruux oo kale oo isugu jira Shan Shacab ah iyo Saddex Askarta Booliska ka tirsanina way ku dhaawacmeen Rasaas nool oo Ciidammada Booliska Somaliland ku fureen dadweyne Muddaharaad ka dhigayey magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley Jimcihii maanta.

DHAAWACYADA GABILEY.JPG wwww

dhaawacyada muddaharaadka gabiley

Muddaharaadkaas dhimashada iyo Dhaawaca sababay, ayaa magaalada Gabiley ka bilaabmay gelinkii hore ee Saaka, isla markaana socday illaa gelinkii dambe ee isla Jimcaha maanta, waxaanay dadweynaha Muddaharaadayey sheegeen inay ka soo horjeedaan Saraakiil Ciidanka Millateriga ka tirsan oo mid ka mid ahi ka soo jeedo Gabiley oo Habeen-hore Askari Dable ahi ku dilay Deegaanka Qori-lugud oo ka tirsan gobolka Saraar (EX-TOGDHEER).

DHAAWACYADA GABILEY

DHAACA MUDDAHARAADKA MAGAALADA GABILEY GILGILAY

Ninka dilka geystay ee Askariga ahaa, ayaa la sheegay markii uu dilka fuliyey inuu Baxsaday oo aan gacanta lagu dhigin, taasoo ay dadweynaha reer Gabiley ee muddaharaadka sameeyey ku tilmaameen shir-qool ujeeddaysan in lagu dilay Saraakiishaas. Halka qof ee ku dhintay muddaharaadka Gabiley, ayay Weriyeyaasha halkaas ka soo warramayaa ku sheegeen inuu yahay Wiil yar oo toban jir da’diisa lagu qiyaasay.

Shanta Ruux ee Shacabka ah ayaa ku dhaawacmay Rasaas ay Askartu ku fureen, halka Saddexda Askarina ku dhaawacmeen Dhagaxanta ay Tuurayeen Muddaharaadayaashu.

iyo 3-ada Askari oo ee ku dhaawacmay Rasaasta ay Boolisku damacsanaayeen inay ku kala kexeeyaan dadweynaha Muddaharaadayey oo xidhay waddooyinka magaalada, isla markaana rabshado kala hortegay Masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee Gabiley oo isku dayey inay xaaladda dejiyaan, balse aan ku guulaysan, waxaana dadkaas dhaawacyadooda lagu dawaynayaa Cusbitaalka guud ee magaalada Gabiley sida uu xaqiijiyey Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise Shiine.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com