Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland sareeye guuto Axmed Aw Cismaan,ayaa ka war bixiyay qalab millatari oo badda ka soo caaryay oo ah gantaal diyaaradeed oo aan qarxin iyo qaybo ka mid ah bur bur diyaaradeed wax loo malaynayo oo ku soo caaryay xeebta badda deegaanka ceel sheekh

Taliya ciidanka ilaalada Xeebaha Sarreeye Guuto Axmed Aw Cismaan oo maanta xafiiskiisa ku qabay shir jaraaid,ayaa ka ugu horrayn sharaxaad ka bixiyay nooca ganaalka soo caaryay ee ay ciidnka Ilaalada xeebaha Somaliland gacanta ku dhigeen.

“Waxan ay maanta ciidanka Ilaalada Xeebuhu heleen ee badda ka soo caayay waxay u egyihiin ama uu yahayba waa gantaal,waana gantaalaha ay diyaaradaha ugu waaweyn ee dagaalku ay qaataan.”

Taliye Axmed Aw Cismaan oo hadalkiisa sii wat ayaa intaa ku daray.

“Gantaalkan dhararkiisu waa 8 mitir baladhkiisuna waa hal mitir iyo toban senti mitir ayaanu ku qiyaasnay,markay ugu badato muddo yar oo kooban oo ilaa sideed cisho ah ayuu badda ku jiray,waxaa kale oo la socda oo aanu agtiisa ka hellay dabo yar oo baal diyaaradeed u eg oo ah ta leex leexata marka diyaaradda isteerinkeeda la duduwo,waxaa kale oo aanu samaynay in aanu ood ku wareejinay oo aanu dadka ka agdhaw uga dignay una sheegnay in ay ka durkaan oo ay ka fogaadaan.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com