Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maamulka Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa toddobaadkii hore waxay goobaha diriinayjyadda ee biyo mareenadda ah ka fulisay olale baaxad leh oo nadaafadeed oo ay ciida iyo khashinka kaga gurtay

Maamulka Dawladda Hoose ee Hargeysa, ayaa toddobaadkii hore waxay goobaha diriinayjyadda ee biyo mareenadda ah ka fulisay olale baaxad leh oo nadaafadeed oo ay ciida iyo khashinka kaga gurtay goobaha il-fashaqu ka jiray ee faras magaalaha caasimadda, Hase yeeshee waxay dawladda Hoose ay khashinkii ay ka gurtay meelaha Biyo-mareenka ah ay moos uga dhigtay jidka laamiga ah hareerihiisa, taasi oo soo kordhisay bilic xumo intii hore ka sii badan.

Goobaha khashinkii diriinayjyadda laga soo guray la dhigay wadada laamiga ah, waxa ka mid ah iliilada hor marta Tog-dheer illaa xarunta Madbacadda qaranka, halkaasi oo ah goob samxad badan oo gaadiidku aad ugu badan yahay, waxaanu khashinkaasi jidka dhinaciisa yaalay ku dhowaad shan maalmood, iyadoo dadweynuhu ay dhacdadan ku tilmaameen inay jalaafaynayso wax-qabadka iyo dedaalka Maayarka caasimadda C/Raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ah nin dhalinyarro ah oo ku guulaystay inuu dhabarka u rito xilka culus ee duqa caasimadda Hargeysa.

“Adeer, soo qora oo u si qabow oo deganaansho leh ugu tabiya maayarka caasimadda iintan foosha xun iyo tallaabadan khaldan ee curyaaminaysa qorshihiisa, markii hore waan ku hambalyaynayaa maayarka caasimadda inuu olole ku qaaday inuu goobaha biyo mareenka ee badhtamaha magaaladda la nadiifiyo, laakiin waxa is weydiin leh maxaa khashinkan wadada hareeraheeda loogu sharaxay? Laga yaabaa inaanu maayarku meelahan ka war hayn ee uu cidii uu soo diray ay masuuliyadoodii ka seexdeen,”ayuu yidhi Saxardiid Nuur oo ah nin oday ah oo shalay-galab Weriyeyaasha DAWAN, kula kulmay goobtan khashinkii diriinayjka laga soo saaray la dhinac dhigay jidka cidhiidhiga ah.

Khashinka lagu qurxiyay laamiga

Mukhtaar Ibraahim Caalin oo isna ka mid ah dadweynaha caasimadda oo goobtan ku sugnaa ayaa ka dayriyay haddii xashiishkan wadada hareeraheeda yaalla deg-deg loo qaadi waayo ay suurto-gal tahay in roobka ugu horeeyaa daadka ka dhashaa uu qaadi karo isla markaana uu burbur xoog leh soo gaadh-siin karo jidka laamiga ah. taasina ay maayarka iyo maamulkiisa ku noqon doonto tacab khasaar intiisa leeg.

Dhinaca kale dadweynaha ku dhaqan caasimaddu waxay Maayarka iyo hawl-wadeenadiisa ku bogaadiyeen inay dedaal ugu jiraan wax ka qabashada fayo-dhawrka caasimadda in kasta oo ay dhaxleen in adeegaasi xasaasiga ah ay qandaraas ku haystaan shirkado macaash doon ah oo u baahan in dawladda Hoose culays ku saarto oo ku dabo-gasho siday ugu adeegayaan dadweynaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com