Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta dhagax dhigtay dhismo MaKtabad loogu talo galay oo loo dhisayo Jaamacadda Camuud

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta dhagax dhigtay dhismo MaKtabad loogu talo galay oo loo dhisayo Jaamacadda Camuud, waxana madashan ka qayb galay Gudoonka Wasaarada Waxbarashada ee gobolka Awdal iyo madaxda laamaha kala duwan ee Jaamacadda Camuud.

Ugu horayn ayaa waxa madashan ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed waxana uu yidhi “Waa noo farxad in uu maanta Wasiirka W/Waxbarashada iyo Tacliinta Sare noo nagax dhigo dhisme Library ah oo aad u balaadhan oo aan ka dhisayno bartamaha Jaamacadda, waxana uu qayb ka yahay dhismahani balaadhinta waxbarashada dalka ee kobcaysa oo ay Wasiir Samsam hormuudka u tahay, lacagta lagu dhisayo dhismahani waxa ay ka timid xukuumada Somaliland, waxana aan uga mahadnaqaynaa Wasaaradaha Waxbarashada iyo Maaliyada oo midna uu miisaaniyada noogu daray deeqdan dhismaha ah, midna noo fududeeyay. Insha’allah waxa aan rajaynaynaa in dhismahani uu soo gabagaboobo mudo gaaban ka dib, sidoo kalena wax ka taro tayaynta waxbarashada isaga oo ardayda wax ka barata Jaamacadda Camuud siinaya ILO muhiim ah oo ay wax ka akhristaan, aqoontoodana ku kobciyaan”

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaluland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna ka hadashay madashan ayaa tidhi “Waa guul u soo hoyatay bahda Waxbarashada dhismahan Library-ga ah ee maanta aan ka dhagax dhigayno Jaamacadda Camuud, waxa aan rajaynayaa inuu wax badan anfici doono, sidoo kalena waxa aan u mahadnaqayaa, dhamaan bahda Jaamacaddda Camuud iyo dadka reer Awdal oo hiil balaadhan habeen iyo maalinba la horjooga kobcinta tacliinta, sidoo kalena waxa aan rajaynayaa in dhismahani uu si dhaqso ah u dhamaado”

Wasiirka ayaa intii uu ku sugnaa Jaamacadda Camuud ayaa waxa uu soo kormeeray qaybo badan oo ka mid ah Jaamacada oo ay ku jiraan qaybo ay ka socoto shaqo balaadhan oo dhinaca daryaalka degaanka iyo kor u qaadka bilicda Jaamacada ah.
Cabdalle Cali Yuusuf

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com