Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Weftiga Wasiiradda iyo Taliyaha Booliska Somaliland ee maanta gaadhay Magaalada Gabilay iyo waxgaradka deegaanka Gabilay,ayaa isku afgartay in la aaso Meydka Marxuum Mukhtaar Xasan

Weftiga Wasiiradda iyo Taliyaha Booliska Somaliland ee maanta gaadhay Magaalada Gabilay iyo waxgaradka deegaanka Gabilay,ayaa isku afgartay in la aaso Meydka Marxuum Mukhtaar Xasan Barre oo maanta isagoo maxbuus ah isku dayay in uu ka baxsado booliska oo ku sii waday Maxkamadda gabilay kadibna askari boolis ahi toogasho ku dilay.

Wasiiradda Arrimaha Gudaha Cali Warn-cadde,Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan,Maaliyadda Cabdicasiis Samaale iyo Taliyaha Booliska sarreeye guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo wax-garadka deegaanka Gabilay,ayaa wada hadal dheer oo illaa caawa fiidkii ku dhex marayay magaalda gabilay kadib waxaa ay isla qaateen in la aaso aroorta Marxuum Mukhtaar Xasan Barre isla markaana nabada la wada ilaaliyo.

Sida ay warar xog ogaal ah oo ay heshay shabakada wararka ee gudgudenews heshay waxay intaa ku darayaan in in wax garadka deegaanka Gabilay iyo weftiga Wasiirada ahi ay isku raaceen in laga wada shaqeeyo sidii loo wada ilaashan lahaa nabada isla markaana meel looga soo wada jeedsan lahaa wax kasta oo ka hor imanaya nabad gelyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com