Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shacabka reer Gabiilay Gobanimadii ay ku taageeren Xukumuada Axmed Siilaanyo mawaxay ka dhaxlayn in lagu badalo Gunnimo iyo cadaalad daro.

Shacabka reer gabiley ma ka soo waaqsan doonaan wixii loo geystey? Ilaah mahdi ha ka gaadhee shacabka reer Gabiley waxay si weyn ugu mahdsanyihiin muwadinimada ay mar walba ku muujiyaan mowqifkooda siyaasadeed iyo kan muwaadinimo iyo mid nabadgelyada intaba.
sida laga warqabo marka laga soo bilaabo halgankii shacabka reer Somaliland u galeen inay soo dhacsadaan gobonimadoodii waa la ogaa halkay ka galeen iyo siday halgankaas guntiga dhiisha iskaga dhigeen haday tahay mid nafeed iyo mid maaliyadeedba.kadib dawaldihii soo maray ee laga dhisay Jamhuuriyada Somaliland mid walba abaalkooda shacabka reer Gabiley waxay ku mutaysteen mid aan la soo koobi karin oo haday tahay xaga kobcinta dhaqaalha dalka iyo haday tahay xaga taageerada nabada iyo codbixntaba intaba.

Hadii aan soo qaadano doorashadii ugu damabysey ee uu Ahmed Siilaanyo ku helay madaxtinimada dalka waxa la ogaa oo shacabka reer Somaliland ka qarsoonayn inay shacabka reer Gabiley ahayeen tiradii ugu badnayd ee ku taageerata codkooda si loo bedelo xukumadii Madaxweyne Riyaale taasina ay tahay guusha keli ah ee uu Ahmed Silaanyo ku soo baxay maantana uu kursiga ugu fadhiyo dalka Jamhuuriyada somaliland.

hadaba hadii ayno isweydiino inay shacabka reer Gabiley guulahaas ay soo hooyeen ma ka heleen faaiidadii ay iyo magacii ay u soo hooyeen madaxweyne Ahmed siilaanyo mise ku hugoobeen oo weliba khasaare badan oo xaga siyasada iyo xaga horuumarkaba kala kulmeen. jawaabtu waxay tahay waxay kala kulmeen khasaare iyo tacdi badan oo aanay marnaba ka soowaaqsanayn waxaana ka mid ahaa ,hadaynu sooqaadano ugu horayntii waxa shacabka reer Gabiley wada xasuusanayahay sidii foolxumada hayd ee loo galay Taliyiihii Ciidanka qaranka ee somaliland Mudane Nuux Taani,waxaaba ka sii daran bedelkii lagu bedeley Taliye Jidhif oo isagoo labaa Bilood hogaanka sare ee Ciidmada hayn hadana si bahdilaad ah loogu geystey kadib markii uu ku taamay in loo madaxbaneeyo hawal qaran ee ciidanka madama uu yahay Taliyiihi Ciidanka ku magacownaa. waxa taas ka sii daran wasiiradaii deegaanka Gabiley kaga jirey xukumada oo sida shadhadhka Duuga ah ee laga soo iibsado (suuqyada HUDHAYDHKA) la isugu bedeley iyadoon wax wada tashi ah laga yeelan haldoorka iyo madax dhaqameedka gobolka Gabiley taasoo u muuqatey inay tahay bahdilaad iyo dantaadii ka gaadhey cidna ha u joojin.waxaaba taasi ka sii darayd oo aan cidna ka qarsoonayn bahdilaadii iyo xadhigii loo geystey lataliyihii madaxweynaha (ABIIB TIMACADE) oo loo xidhay arrin aanu wax denbi ah ku lahayn haseyeeshee aan hadana laga xaal marin ee sida kubada loogu ciyraaya sharaftiisii iyo millgihii uu ku lahaa maqaamka xukumada somaliland. arrinba arrinta kale ayaay ka ii darantahay waxaaba isku fuuqsaday oo aan la ilaawi karin sidii looga qaaday heerka wasiirnimada (Wasiirkii Ganacsiga iyo maalgashiga,Mohamed Abdulahi) markii laga waayey inuu sharaftiisa ku ciyaaro oo uu ku taageero wasiiradii weji ku macaashka iyo qabyalada isku raacay ee ka eexday gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muse Biixi Abdi haseyeeshe uu Mohamed Abdulahi goaan raganimo iyo geesinimaba lah ka qaatay sharaftiisana ka ilaashaday wixii xaaraan ah ee sumacad xumi u keenayaa.
waxa kaloo jirta oo iyaduna kaba sii daraan oo xaaran ah inay dhacday oo jeelka laga sii daayey raga hubaysan oo Askar Ciidan ahaa ku laayay xaga AIRPORTKA Hargeisa kana wada tirsanaa gobolka Gabiley oo aan habayraatee wax xaal marin iyo magdhow toona laga siin qoysaskii ay ka geeriyoodeen .maxaa u danbeeyey denbiyada iyo abaalaaanta laga galay shacbka reer gabiiley,waa dilkii dhawaan ka dhacay magalada
QORILUGUD ee lagu dilay labaa sarkaal oo ka soo jeeda deegaanka Gabiley ,balse aan haba yaraatee cidi ka dab tegin ragii hubaysnaa ee dilkaas geystey iyadoo weliba la cadaynaayo inay shirqool iyo abaabul dhagaraysan lagu dilay labda sarkaal .waxaabase ka FOOLXUMA xukumada Ahmned Siilaanyo oo aan haba yaraatee aan kaba sooqaadin inay deero deero hirdiday kana qarisay dadkii ehelka u ahaa labadaa nin oo weliba si degdeg ah loo aasay iyadoon loosamayn wax aas qaran ah madaama ay ahyeen ciidankii aynu nabadpooda ku fadhinay magacan ku lahayn iytadoo goor dambe dadkii ehelka u ahaa kaga warhelay warbaahinta maxaliga ah siday u dhacday mashaqadaasi dhagaraysan. Xitaa madaxawyanaha ahmed silaanyo u quudhi wayay in uu ka tacsiyadayo qaranka Somaliland. Gaar ahaan Goboblka Gabiley.

waxaan si weyn ugu tacsiyadaynayaa hadaanu nahay shacabka reer Somaliland guud ahaan mashaqadaas sida foosha xun loogu sameeyey shacabka reer GABIILEY waxaanuna ku guubaabinaynaa inay mar walba nabadgelyada sidii hore u dhowraan haseyeeshee ay ku quus qaataan siday ugu khasaareen halgankii iyo taageeradii ay u galeen ahmed Siilaanyo oo taageeradoodii ka dhoigay hal bacaad lagu lisay markii uu ku guuraynaa ka abaalka daray.
waxaan kula talinayaa dadaweynaha reer Gabiley inay doorasho soo socoto kuna ciilbaxaan kuna cad goostaan iyagoon ilaabayn marnaba ilaabayn waxyaabihii foosha xuma ee lagu sameeyey haldoorkoodii haday tahay xaga siyasada ,xaga ciidmada,xaga madax dhaqameedka iyo dhaqalahay ku lumiyeen tagerada ahmed Siilaanyo .

waxaan si weyn ugu mahadnaqanaa dadweynihii reer Gabiley ee ka gilgishay dilkii loo geystey saraakiishii lagu dilay QORILUGUD oo aan xukumada siilaanyo waxba ha ka soo qaadin. waxa isaguna mahad ta la mid ah ku bogaadinaynaa Musharaxa Madaxweynaha xibiga UCID Jamal Ali Huseein oo si badheedh ah uga hadlay dilkaas dhagaryasan ee lagu sameeyey sarakiisha dhawaan lagu dilay QORILUGUD iyo sida looga qariyey dilkoda iyo aaskoodba dadkii ehelka u ahaa ee reer Gabiley iyo guudahaanba dadweyanha nabada jecel ee reer Somaliland.

Somalilad wax ay ku maah maahdaa Markaa nimanka afku macaashaka ee u ka mid yahay Dhuxul iyo abii timicade, doonaya in uu cabbo dhiiga dadka mujaahidiinta ree Gabilay, waxaan leenahay” Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhallilaaye , nin dharbaaxo quudeed dugsday dhaqayadeed maalye, dhashaaday sugtaa xaajadaad dhaworataa abide.” foolxumada iyo waxyeelada dhibta leh ee muuqata ee Isir nacaybka ka dhax socoda Xukuumada Siilaanyo maahin mid aad qarin karto. ee inta ay goori goor tahay ka tasho inta aan lagu eryin.
Click here to Reply or Forward

Hassan Ahmed
Student at LLB Greenwich University
London UK
Hassankaid4@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com