Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ninkii Dilay Saraakiisha oo Diyaarada tagaysay Galakacayo ka raacay Buhoodle.

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Ucid iyo Kulmiye Eng. Faysal Cali waraabe iyo Muuse Biixi Cabdi ayaa Si wadda Jir ah ugu baaqay in aan la Siyaasadeyn Arrinta Dilkii Labbada Sarkaal ee lagu Dillay Qorulugud, waxayna Xukumada iyo Shacabka ugu baaqeen in lay iskugu taggo sidii loo soo qaban lahaa Gacan ku dhiiglihii Dillay Labbada Sarkaal.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.“Dhacdadii ka dhacday Qorulugud waanu tacsiyadeynaynaa waxad ogaataan in aynu qaran nahay qabiil ma nihin, haddii nin Boolis ah oo shaqo ku jirra uu ku dhinto hawsha ciidanka qaranka iyo Boolisku ka dhintay, haddii uu furinta jooga oo xabadi ku dhacdo ama saxiibkii hakaga dhacdo ama cadawga ee, wuxuu u tagay oo direyska u qaatay waa Difaaca qaranka, in la qabyaaladeeyo ama la siyaasadeeyo taasi waa fool xumo Qarana sidaasi lagu noqon mayo, halkan aad joogtan waxa laggu dillay ninkii taliyaha Madaxtooyada ahaan jiray oo Reer lascanood ahaa, lama qabyaaladeyn waxanu uu ahaa nin qaranka Somaliland ka dhintay, laakiin waa in xukumadu marka uu faldanbiyeed dhaco dadka u sheegtaa oo tidhaahda falkaasi sidaasu u dhacay si aanu uga faa’ideysan warxumo sheegu, labaduba way inaga wadda dhinteen, Boorama waxba kamay dhicin, Gabiley Dadkii ku dhawacmayna waxanu illahay uga baryeynaa in uu caafimad siiyo, Dawladana waxanu leenahay sameysta Ciidan Mudaharaadka ka hortaga, Ciidanka RRU-du waa Ciidanka la dagaalanka Argagixisade.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbi xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa Isaguna shacbka iyo Xukuamd ugu baaqay in si wadda jir ah loo soo qabto Gacan ku dhiiglihii dillay labbada Sarkaal.waxaanu yidhi. “Runtii waxay ahaayeen Saraakiil Somaliland ka baxay, arrinta Ciidamadu way ka duwan tahay ta shacabka madaxda Ciidamada, waxanan leeyahay arrintaasi yaan la siyaasadeyn oo aan suuqa la soo dhigin, cid aan ka xumeyn oo reer Somaliland ahi ma jirto, dhammaanteen waxa inagu waajib ah in gacan ku dhiiglihii la soo qabto oo aynu iskugu tagno sidii loo soo qaban lahaa, wax Aliyo wixii danbigaa ku lug lahaa sir iyo caad waa in gacanta lagu soo dhigaa.”Ayuu yidhi Muuse Biixi

Dhanka kale Warar Waaheen ka helayso Magaalada Buhoodle ayaa sheegay in Gacan ku dhiiglihii Dillay labbada Sarkaal uu Buhoodle ka raacay Diyaarada tagaysay Magaalada Galkacayo iyada oo aan la garan meel uu u sii dhaafay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com