Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu masuull ka yahay soona abaabulay kooxda nabad –diidka ah ee la baxday Khaatumo State

Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay in uu masuull ka yahay soona abaabulay kooxda nabad –diidka ah ee la baxday Khaatumo State oo uu hor jooge u yahay dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh oo dagaal la gashay Somalilland.

Guddoomiyaha KULMIYE oo daba socday kana jawabayaya hadalo ka soo yeedhay Xasan Sheekh waxa uu ku tilmaamay inuu war mooge yahay islamarkaana aanay jirin Soomaaliya dib isugu imanaysa

“Umaddan wixii gaadhay,halkaynu ku kala tagnay iyo halkaynu ku kala quusanay oo aad Goob joog ka ahayd iyo sida aad u hadashay adigoo waliba qoslaya waa laba kala fog ee Soomaali isku imanaysaa ma jirto ee ha ku riyoonin, war moogaad tahaye” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in Xasan Sheekh ka hor yimid Xeerka Africa ku dhisan tahay ee ah Xuduudahii Gumaysigu dhigay maadaama uu yidhi Somaliland iyo Somalia inay ku kala go’aan Xuduudkii Talyaaniga iyo Ingiriisku caqli maaha.

Waxa uu ku Eedeeyay inuu Masuul ka yahay carqaladaynta Gobolada Sool iyo Sanaag “Wuxuu yidhi Sool iyo Sanaag kama tirsana Somaliland, waxaad muujisay Xasan Sheekhow inaad tahay Ninka Dabka ka shidaya Sool iyo Sanaag. Ninka Khaatumo dabada ka wada, Ninka Somaliland dagaalka kuwada ayaad tahay oo aad caddaysatay waana godob kuu taala oo jawaabteeda aad helayso” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dooday in aanay dhici Karin ain ay wixii la isku odhan jiray Soomaaliya in aanay marnaba ka go,I Karin isla markaana ay yihiin 18 kii gobo lee ay ka koobnaan jirtay Jamhuuriyaddii Soomaaliya lama aabtaan.

Hadalka Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn uga cadhaysiiyay guud ahaan bulshada Somaliland madax iyo shicibba taasoo sabab u noqotay in uu jawaab adag ka bixiyo Guddoomiyaha Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com