Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Nuxurka Shirka ay Somaliland kaga qayb Galayso London.

Shirkad Magaceedu yahay DMA (Developing markets associates), ayaa qabanqaabinaysa Shirka Ganacsiga ee Somaliland iyo Ingiriisku isugu imanayaan ee London ka dhacaya 14-ka Bisha Dambeoo uu Shalay iclaamiyay Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.

Shirkaddan oo hore Shirar u qabatay haddana ay tahay markii u horaysay ee ay qabanqaabiso SHir Somaliland iyo Ingiriisku ku kulmayaan waxaa xubno sare ka ah siyaasiyiin, dhaqaaleyahanno, diblomaasiyiin iyo khubaro kala duwan oo xilal sare ka soo qabtay dawladda Ingiriiska.

Sida shirkaddu faafisay, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti isugu jira wasiirro iyo ganacsato, ayaa ka qaybgeli doona shirkaas oo magaalada London lagu qabanayo 14 October 2014.

Haseyeeshee, xukuumadda Somaliland weli si rasmi ah uma shaacin in Madaxweyne Siilaanyo ka qaybglayo shirkaas, iyadoo sida shirkadda DMA sheegtay in shirkaasi yahay kii u horreeyey noociisa ee Ingiriiska iyo Somaliland isugu yimaaddaan, lagagana hadlo maalgashiga iyo ganacsiga.

Shirkadda DMA (Developing Markets Associates) waa mid caan ah, magac weynna ku leh dunida, horena u qabanqaabisay shirar iyo kulamo caalami ah oo ku saabsan arrimaha maalgashiga, khudbado kala duwanna ka jeediyeen in ka badan laba boqol (200) oo madax ka ah dawladaha caalamka iyo wasiirro xilal muhiim ah ka haya dalalka adduunka.

Sida ku qoran jawdalka shirkadda DMA soo bandhigtay ee shirkaas, waxa ay 10 October 2014 ku qaban doonaan magaalada London shirweyne lagaga hadli doono maalgashiga dalalka bariga Afrika, iyadoo sidoo kalena isla 23 October qaban doonta shir maalgashiga iyo ganacsiga ah oo Ingiriiska iyo dalka Ghanna ee galbeedka Afrika ah, kaasoo la mid ah midka Somaliland loo qabanayo.

Shirkadda DMA ee gacanta ku haysa qabsoomidda shirka maalgashiga iyo ganacsiga Somaliland ee ka dhacaya London, waxa maamulkeeda xubno ka ah siyaasiyiin, dhaqaaleyahanno, diblomaasiyiin iyo khubaro kala duwan oo xilal sare ka soo qabtay dawladda Ingiriiska, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Mr. Henry Bellingham oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Afrika ee UK ilaa bishii September 2012. Waxa kaloo ku jira siyaasi la yidhaa Roger Martin oo ahaa xoghayaha arrimaha siyaasadda u qaabilsanaa laba ra’iisal-wasaare oo soo maray Britain iyo xubno diblomaasiyiin ah oo xilal safiirnimo ka qabtay waddamo adduunka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com