Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Denmark u fadhiya Kenya Ambassador Geert Aagaard Andersen.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Denmark u fadhiya Kenya Ambassador Geert Aagaard Andersen. Labada dhinac ayaa kawada hadlay arimaha amaanka, wada hadalada Somaliland iyo Somalia iyo arimaha doorashada.

Wasiirka Khaarajiga ayaa sharaxaad ka bixiyay qodabada ay kawada hadleen Xukumadda iyo Safiirka Denmark “Waad la socotaan oo Denmark iyo Somaliland Cilaaqaad wanaagsan baa ka dhexeeya, waxay ka mid tahay wadamada ugu waaweyn ee wax ina tara, waxay noogu yimaadeen inaanu warbixin ka siino xagga nabada, xagga doorashooyinka iyo wada hadalada,waxaanuna ku soo dhaweynayaa Safiirka Bookhashadaa rasmiga ah ee uu noogu yimid” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

Safiirka Denmark u fadhiya Nairobi Ambassador Geert Aagaard Andersen, ayaa isna halkaasi ka sheegay inay Somaliland kala shaqaynayaan dhinaca horumarka,iyadoo qayb ka ah Denmark Sanduuqa Horumarinta Somaliland. Waxa uu sheegay inuu safar ku tagi doono Berbera oo uu halkaasi ugu kuur galayo Xaaladaha Xoolaha oo dhaqaalaha Somaliland laf dhabar u ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com