Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland oo ay ka tacsiyadeeyeen geeridda ALLE ha u naxariistee Agaasimihii Cisbtilaalka Burco Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe),

Xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland oo ay ka tacsiyadeeyeen geeridda ALLE ha u naxariistee Agaasimihii Cisbtilaalka Burco Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe), oo 24/09/2014 si heer qaran ah loogu aasay magaaladda Burco oo uu ku geeriyooday.

Sidaasna waxa lagu sheegay Dhambaal Tacsi ah uu galabta soo saaray Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Mudane Xasan Siciid Yuusuf, kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Mudane Xasan Siciid Yuusuf Isagoo ku hadlaya magaciisa iyo magaca Guddoomiyaha xisbiga , Hoggaanka iyo Guddida fulinta iyo dhammaanba Goleyaasha xisbiga waxa uu tasi u dirayaa qoyska, qaraabadda iyo ummadda reer Somaliland gaar ahaan shacbiga reer Togdheer oo uu ka tacsiyadeynayo geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Dr. Cabdiqaadir Xaaji Muuse (Muruq-liqe)oo ahaa agaasimihii cisbitaalka Burco oo ku geeriyooday 24/09/2014 Magaalo Madaxda Togdheer ee Burco isla markaana lagu aasay magaaladdaas, oo ka mid ahaa dhakhaatiirta qiimaha weyn ku leh qaranka iyo guud ahaanba dalka.

Waxaan ILAAHAY uga baryaynaa Marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo, shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com