Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawlada Denmark ee fadhisii yahay Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawlada Denmark ee fadhisii yahay Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya

Hargeysa(HWN):-Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dawlada Denmark ee fadhisii yahay Magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya

Kulankan uu madaxweynaha somaliland la qaatay safiirkan ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada.

Wasiirka arimaha debada somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa markii uu kulankaasi dhamaaday warbaahinta uga waramay waxyaalaha lagaga wada hadlay, waxaanu sheegay in kulankan lagu darsay xidhiidhka labada dalka u dhaxeeya waxaanu yidhi”Waad la socotaan oo Denmark iyo Somaliland Cilaaqaad wanaagsan baa ka dhexeeya, waxay ka mid tahay wadamada ugu waaweyn ee wax ina

tara, waxay noogu yimaadeen inaanu warbixin ka siino xagga nabada, xagga doorashooyinka iyo wada hadalada,waxaanuna ku soo dhaweynayaa Safiirka Bookhashadaa rasmiga ah ee uu noogu yimid” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.

Dhinaca kale waxa isaguna kulankan ka hadlay safiirka Denmark ee fadhigiisu yahay wadanka Kenya Geert Aagaard Andersen, waxaanu sheegay in kulankan uu la qaatay madaxweynaha somaliland uu lagaga hadlayey arimo la xidhiidha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sanadka soo socda, xidhiidhka labada dal iyo arimo la xidhiidho khayraadka somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com