Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo gabogabeeyay dooda Xeerka Diiwaan Gelinta Madaniga ah oo maalmihii ugu dambeeyay ka socotay aqalkaas

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo gabogabeeyay dooda Xeerka Diiwaan Gelinta Madaniga ah oo maalmihii ugu dambeeyay ka socotay aqalkaas.

Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada oo uu shir guddoominayay Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayay mudaneyaashu si aad ah uga doodeen xeerkan.

Hadal Qoraalka doodan ayaa labada maalmood ee soo socda la isku soo ururin doonaa, waxaanay mudaneyaasha aqalkaasi u qaadi doonaan cod.

Dhinaca kale Magaaladda Hargeysa ayaa waxa dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ka socotay Diiwaan Gelinta Madaniga ah.

Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa hore kulan ugala yeeshay Madaxweynaha Somaliland diiwaan Gelinta Madaniga ah, waxaanay kusameeyeen wax ka bedel, sidaas ayaanay ku heshiiyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com