Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Xukumadda ku eedeeyay inay abuurayso shaqo la’aan iyo isku dulnoolaasho horseedaya dabaqado bulshadu u kala baxdo.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa Xukumadda ku eedeeyay inay abuurayso shaqo la’aan iyo isku dulnoolaasho horseedaya dabaqado bulshadu u kala baxdo.

War qoraal ah oo xisbigu soo saaray waxaa lagu sheegay in Xayiraada Xukumaddu saartay ka ganacsiga Dekedda Lughaya meel kaga dhacayso Ganacsiga Xorta ah ee Somaliland ka jirta.qoraalka Xisbiga Arintaasi kaga hadlay waxa uu u dhignaa sidan:

Xisbiga waddani waxaa uu si mugle u canbaaraynayaa tacadiga iyo cunaqabataynta lagu soo rogay xeebta deegaanka lughaya, iyo guud ahaan Gobolka Salal.Arrintaas oo baal marsan ganacsiga xorta iyo wada noolaanshaha bulshada

Xukumada waxa ay caadaysatay in sii kordhiso shaqo la’aanta iyo Amini khalkhal gelinta gobolada degen, isla markaana ay abuurto isku dul noolaansho iyo dabaqado bulshada dhexdeed ah

Waxaa uu xisbigu ugu baaqaya xuskumada inay ka dulqaado cidhiidhiga ay ku hayaan shacabka Lughaya ee markaa horeba la ku faakacayey helida quutal daruuriga loona soo celiyo xoriyadoodii ganacsi xeebaha galbeedka.

ALLA MAHAD LEH

Md.:Maxamed Cabdillahi Uurcade………………………………………………………………..

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com