Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maamulka Haamaha Shiidaalka Berbera Oo Mashaariic Horumarineed Oo Kala Duwan Ka Wada Xaruntaasi

marka aad haatan gasho Xarunta Haamaha Keydka Shiidaalka ee Berbera waxa aad arkaysaa Mashaariic kale duwan oo ay ugu mudantahay Jid Laami Casri ah Oo gala Xarunta Haamaha oo labo haad ah oo dhismihiisu socdo kaasi oo uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo hore u dhagaxdhigay xili socdaal hawleed ku marayay Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera.

wadadan ayaa haatan laga wadaa halkaasi waxaana socota caro kaawada lagu hagaajinayo jidkaasi iyadoo shirkada amal wado dhismaha jidkaasi waxaana la dareemayaa durbo is bedel horumar leh oo haatan ka hano qaaday goobtaasi.

Waxa iyada sidoo kale Dayactiro kala duwan ku socdaan Shan Kamid ah Haamaha Keydka Shiidaalka Oo Dib u habeyn iyo hawlgalin lagu wado si loo shaqo galiyo waxna uga taraan baahida haamahaasi loo qabo qeybo kamid ahi aanay shaqeynin taas oo lacag aad u badani ku baxayso oo dib u habayn iyo casriyeynta ah.

Maareeyaha Cusub ee Haamaha Keydka Shiidaalka ee Berbera Sh. Suleebaan Siciid Cali ayaa ah masuulka hormoodka ah mashaariicdan kala duwan ee haatan ka hano qaaday goobtaasi, Waa Maareeyihii Sedexaad ee majaraha u qabta goobtan tan iyo markii ay Xukuumada Somaliland dib ula soo noqotay Maamulka Haamaha Shiidaalka Berbera taas oo uu Madaxweyne Siilaanyo digreeto kusoo kaga wareejiyey Hay’ada TOTAL ee Faransiiska ahayd guud ahaan masuuliyiintaasi way ku guuldaraysteen hirgalinta mashaariic la arkayo oo ka qabsooma xarunta haamaha keydka shiidaalka ee Berbera sida laamaha kale ee Dawlada gobolka Saaxil ku yaala laakin ugu danbeyntii waxay haatan la jaanqaaday oo uu Maareeye Salebaan ku dhowyahay inuu soo gaadhsiiyo xaga horumarinta Hay’adaha kale ee dawliga ah ee xiligii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo sameeyey Horumarka balaadhan ee dhinaca bilicda maamulka iyo dhismayaashaba leh.

iyadoo ganacsatada haamaha shidaalka kala soo degtaana ay soo dhaweeyeen mashaariicdan horumarineed ay haamaha laga bilaabay si gaar ah waxay u hambalyeeyeen dhismaha jidkan laamiga ah oo qaab casri ah loo dhisayo kaasi isla markaana meesha ka saaraya dhibaatooyinkii ay booyaduhu ku qabeen jid xumadii ka jirta haamaha dhexdooda.

Maareeyaha Haamaha Shiidaalka ee Berbera Sh. Saleebaan Siciid Cali waxa uu qaaday talaabooyin muhiim ah oo lagu sugayo hanaanka shaqo ee goobtan waxa la dhamaan la jaray garanwaa dhir ah oo ku hareeraysnaa goobtaasi waxa la kordhiyey bogcad balaadhkeeda waxaana lagu sameeyey baneyn iyo simid wajahada hore oo dhirtaasi haystay, sidoo kale dayactirada haamaha iyo jidkan casriga ah ayaa ahaa talaabooyin lagu diirsaday oo uu qaaday mudo kooban oo uu joogay maamulka haamaha shiidaalka Berbera.

Cabdikariim Siciid Saalax

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com