Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddida Qandaraasyada Qaranka Oo Shaaciyay Shirkadda Tababaraysa Ciidanka Ilaalinta Shidaal baadhista

Guddida Qandaraasyada qaranka Somaliland ayaa shaaciyay shirkadda ku guulaysatay tababarka Ciidanka ilaalinta Shirkaddaha shidaalka (Oil Protection Unit)“OPU”.

Gudoomiyaha Guddida qandaraasyada Aadan Cabdilaahi Xaaji ayaa sheegay in kala shaandhayn badan ka dib shirkad asalkeedu yahay Ingiriis iyo Kenyan ay ku guulaysatay tababarka ciidanka.

“Innagoo isku kalsoon oo aynu doonayno in aynu hawsheenna iyo kharashkeenna galno, haddana wax ciddi ina siiso had iyo jeer waynu ognahay dhibaatada ay leeyihiin, qandaraaskuna saddex qaybood ayuu ka koobnaa, saddexdaas qaybood baana shirkaduhu ku soo xaraysteen. Lix shirkadood ayaa nasiib u yeeshay in ay qandaraaskaas ka soo qaybgalaan, lixdooduna way kala duduwan yihiin oo midiba meel bay ka soo shaqaysay, midina wax gaar ah bay ku takhasus tahay, balse guud ahaan waa shirkado ammaanka noocaas ah ka shaqeeya.”ayuu yidhi Gudoomiyuhu

Gudoomiyaha Guddida qandaraasyada qaranku waxa uu sheegay in aakhirkii laba shirkadood isku soo hadheen ka dibna mid laga sii doortay.

“Labadii shirkadood oo mid ka mid ah Somaliland ka shaqayn jirtay oo ahayd Olive oo iminka shirkad kale isku darsadeen oo la yidhaa Olive New Port, waxaanay ahayd shirkadii qoladii shidaalka baadhaysay la shaqaynaysay oo dalka hanti u taalo oo shaqadii shirkadaha aad ula wada, laakiin nasiib-darro may noqon ta soo baxda, sababtu waxay ahayd waxa lagu kala saaray waxyaabo farsamada la xidhiidha. Waxa la arkay in labadii shirkadood sii kala wanaagsan yihiin, waxaanna la yidhaa labada shirkadood ee soo hadhay Olive NewPort Africa, midna Saladiin Security LTD. Wasiirrada ku jiray Guddidana waxay ahaayeen Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Wasiirka Daakhiliga oo ah ah wasaaradda mashruucan leh, Wasiirka Madaxtooyada iyo annagoo guddida qandaraasyada iyo qolo ka socotay shirkada la yidhaa Rosky. Markii aanu dib u eegnay waxa la qaaday labadaas shirkadood in shirkadda Saladin oo salkeedu Ingiriis iyo Kenya ah ayaa qandaraaskii la siiyey.” Ayuu yidhi Gudoomiyuhu

Gabogabadii waxa uu ka hadlay kharashka ku baxaya “Markii dambena wada xaajood ayaannu galnay iyo gorgortan, iyagu waxay soo qorteen $6,838,000 (Lix milyan, siddeed boqol, siddeed iyo sodon), shirkada kalena waxay soo qoratay siddeed milyan iyo saddex boqol iyo dheeraad. Markii aanu waydiinay inta ay ku hawlgeli karaan qoladii aannu is lahayn iyaga waddanka sii degen oo alaabi u taal waxay tidhi 46 maalmood, qoladii kalena 35 maalmood ayey tidhi, qoladii ku guulaysatay waxay dhimeen $8,000 markaannu gorgortanay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com