Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyihii saldhiga degmada arabsiyo Cabdi Case ayaa goor dhawayd lagu toogtay Saldhiga Degmada gabiley Hortiisa.

Taliyihii saldhiga degmada arabsiyo Cabdi Case ayaa goor dhawayd lagu toogtay Saldhiga Degmada gabiley Hortiisa.Taliyaha ayaa wararku sheegayaan in uu toogtay askari ka tirsan isla Degmada Arabsiyo oo Taliyaha ilaalo u ahaa, taliyaha intii aan la toogan ayaa waxa la sheegayaa in uu u tagay magaalada gabiley ee xarunta gobolkaasi oo degmada arabsiyona ay hoos timaado dacwo uu ku soo oogayey askarigani isaga toogtay oo uu gaynayey taliyaha gobolka ,waxaana wararku sheegayaan in taliyaha uu askarigani ku toogtay saldhiga degmada gabiley hortiisa.
Lama garanayo ilaa hada sababta uu askarigani u toogtay taliyihiisa, waxaana la sheegayaa in dhaawiciisa lagu dawaynayo oo la keenay dhakhtarka way nee magaalada hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com