Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland,ayaa meel mariyey maanta Mooshin ah in labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilada Xukumaddu mar wada qabato iyo Xeerka diwaangalinta Maddaniga ah iyo codbixinta.

Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland,ayaa meel mariyey Mooshin ah in labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiilada Xukumaddu mar wada qabato iyo Xeerka diwaangalinta Maddaniga ah iyo codbixinta.

Golaha oo ay Saaka fadhiyeen 66 Mudane waxaa Mooshinka ah in doorashada Wakiilada iyo Madaxtooyada mar la wada qabto ogolaaday 64 mudane, halka hal mudane diiday, waxaana isla tiradaasi ogolaatay Xeerka diwaangalinta Madaniga ah iyo Diwaangalinta Codbixinta.

Fadhiga Saaka ee Wakiilada Waxaa Shir gudoominayay Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu goluhu galay Fasax bil iyo badh ah.

Mooshinkan ku aadan in Doorashada Madaxweynaha iyo ta wakiilada Mar la wada qabto, ayaa u muuqda inuu jawaab u yahay hadal hayn ah in sanadka 2015-ka la qabto Doorashada Wakiilada, dibna loo dhigo ta Madaxweynaha. Qorshehaas oo xukumaddu wadday ayaa Mudanayaashu isku dabreen islamarkaana goosteen in labada doorasho isku wakhti noqdaan, si ama dib loogu wada dhigo ama wakhtigooda loogu wada qabto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com