Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in aanay la wareegin ciidanka Qaranka ee degan beerta Ilma Saleebaan Bidde, ku taala agagaarka madaarka diyaaradaha ee magaaladda Hargeysa.

(maantasomaliland)Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in aanay la wareegin ciidanka Qaranka ee degan beerta Ilma Saleebaan Bidde, ku taala agagaarka madaarka diyaaradaha ee magaaladda Hargeysa.

Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa uu sidan ka sheegay mar uu isniintii todobaadkan hor tagay Golaha Wakiiladda oo waxa ka waydiiyay hawlaha shaqo ee ay Wasaaradiisu qaranka u hayso.

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiilada ayaa waxa uu Wasiirka gaashaandhiga waydiiyay sababta ay ciidanka qaranka ee degeen beerta Ilma Saleebaan Bidde ee ku taalla agagaarka Madaarka Hargeysa.

Wasiir Cadami oo ka jawaabayay su’aashaasi uu xildhibaanku waydiiyay ayaa sheegay in guddi Wasiirro ah hore loogu saaray arrinta beertaas ay cadeeyeen inay qoyskaasi leeyihiin, waxaanu ku dooday in aanay ciidanku awood ku deganayn dhulkaasi, hase yeeshee uu wada hadal u socdo qoyskii iska leh beertan. isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Beerta Ilma Saleebaan Bide ciidanka qaranku warqad uma qorin guddi baana loo xil saaray, waana reer wanaagsan oo gudidu way soo dhawaysa, waanay cashuurtaan, Guddidu waxay u qortay warqad cadaynaysa lahaanshaha dhulka cid ka xoogtayna ma jirto.Aniguna (Wasiir) ahaan waan saxeexay waxaana u hadhay oo kaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha oo yidhi aynu iskaga nimaadno.”

Axmed Xaaji Cali Cadami oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Dabadeedna shirkii u dambeeyay aanu wada yeelan lahayn Wasiirka Daakhiliga, wuu ka dhoofay oo wuu dhoof badan yahay, in kasta oo ay tahay in aanu doofin Wasiirka Arrimaha Guduhu oo uu ku fiican yahay inuu joogo dalka gudihisa, laakiin wax diidmo iyo xoog wax lagaga xoogay iyo dhul laga qaaday Ilma Saleebaan Bidde ma jirto si gobanimo lehna way sameeyeen oo waxay yidhaahdeen inta ciidanka qaranku u baahan yihiin ha qaataan inta Airport ku u baahan yahay-na ha qaato, wixii lagama maarmaana ha nala siiyo waxba kama qabno ayaan ku nidhi.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com