Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde iyo Wasiirka Macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa Magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta kula kulmay Shirkaddaha Somaliland ka baadhaya Shidaalka.

(MSL)Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde iyo Wasiirka Macdanta iyo tamarta Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa Magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta kula kulmay Shirkaddaha Somaliland ka baadhaya Shidaalka.kulanka ayaa ku saabsanaa sidii Shirkadduhu dib ugu bilaabi lahaayeen hawlaha Shidaal sahaminta ah ee ay dalka ka wadeen, maadaama oo la aasaasay Ciidanka ilaalinta Shidaal Sahaminta.

Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale oo u jeedada kulanka sharaxaya ayaa yidhi “Sababta aannu shirkan ula yeelanay shirkadaha shidaal baadhista ka wada Somaliland waxa weeye mid ay aad u sugayeen qaddiyadda ku saabsanayd dhisidda ciidanka ilaalada hawlgallada shidaal baadhista oo ay doonayeen in aannu warbixin ka siinno, markaa waxaannu maanta oo Salaasa ah (shalay) halkan magaalada Dubai ugu yeedhnay afarta shirkadood ee hawlaha shidaal baadhista ka wada dalka Somaliland.”

Wasiir Warancadde, ayaa isna sheegay in kulanku sidoo kale daarnaa inay shirkaddaha la socodsiiyaan in dhinaca amaanka la diyaariyey “Shirkadaha aannu la kulanay waxaannu u sheegnay in dawladdu diyaar la tahay inay u samayso wax kasta oo ay uga baahdaan Somaliland, gaar ahaan dhinaca nabadgalyada, sida lala socdo Madaxweynaha Somaliland waxa uu dhawaan abuuray Ciidanka Ilaalada Shidaalka, ciidankaasi maaha sida adduunka loo sheegay ciidan afraad oo Somaliland samaysatay ee waa mid laga soo xuli doono ciidammada booliska iyo millateriga oo hoosiman doona Wasaaradda Daakhiliga iyo Booliska,” ayuu yidhi yidhi Md. Warancadde.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhawaan aasaasay Ciidanka Ilaalinta Sahaminta iyo soo saarista Shidaalka oo Somaliland markii u horaysay yeelanayso, si ay dhanka amaanka uga saacidaan Shirkaddaha Shidaalka.waxa sidoo kale la shaaciyay shirkadda tababaraysa oo qaadanaysa 6 Milyan oo dollar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com