Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudida Horumarinta Beelaha Arab ayaa shir ay todobaadkan dhexdiisa ku yeesheen magaalada Hargaysa ku doortay 7 (todoba) xubnood oo ah gudida Fulineed

Gudida Horumarinta Beelaha Arab ayaa shir ay todobaadkan dhexdiisa ku yeesheen magaalada Hargaysa ku doortay 7  (todoba) xubnood oo ah gudida Fulineed.

Sidoo kale waxa fadhigaas lagu doortay gudoomiyaha guud ee gudida oo loo doortay Dr Maxamed Warsame Ducaale waxa kale oo isla fadhigaasi lagu doortay Guddoomiye ku xigeenka Jaamac Koosaar Axmed iyo xoghayaha gudida Maxamed Ismaaciil Faarax Seed.

Gudida guud ee Belaha Arab oo ka kooban 25 (shan iyo labaatan) xubnood ayaa bishii ugu dambaysayba waday qorshayaal ay ku doonayaan in lagu horumariyo deegaanada ay degto beeshu.

Qorsheyaasha horumarineed ee ay qoondaysteen gudida Beelaha Arab ayaa waxa ay xooga ku saari doonaan dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha waxbarashada iyo meelaha mihiimka ah ee lagama Maarmaanka u ah nolosha aas-aasiga ah.

Gudidan oo ka kooban aqoonyahanka dhaliyarada iyo wax garadka beesha ayaa looga fadhiyaa in aydoor laxaadleh ka qaataan horumarinta deegaanada ay degto Beesha Arab.

Waxaana lagu aas aasay gudidan shirwaynihii Afgarad Saddex ee ka qabsoomay Magaaladda Baligubadle Bishii June ee Sanadkan.

Waxaana gudiyada loo kala doortay sidan:-

 

Gudida Fulinta ee Beelaha Arab

1.       Dr Maxamed Warsame Ducaale                                   Gudoomiye

2.       Jaamac Koosaar  Axmed                                                G/Xigeen

3.       Maxamed Ismaaciil Faarax Seed                                    Xoghaye

4.       Axmed Cali Muuse  Cilmi                                               xubin

5.       C/raxmaan sh. Xasan Axmed                               xubin

6.       Maxamed Cali Ducaale                                        xubin

7.       Naasir Maxamed Cabdi Caamir                                     xubin

Gudida  Dhaqaalaha

1.       Naasir Maxamed Cabdi                                      Gudoomiye

2.       Xasan Dahir Xirsi

3.       Axmed ibraahim Caydiid

4.       Cumar Maxamed Warsame

5.       Yasin yusuf  Axmed

6.       Jamac Ibraahin Jamac

Gudida Arimaha Bulshada

1.       Maxamed  Cali Ducaale                                               Gudoomiye

2.       Ahmed Suudi Guuleed

3.       Cali Cumar Cali

4.       Maxamed Xasan Khayre

5.       Sh Abdikhaalaq Sh .Axmed Shukri

6.       Sh. C/raxmaan

Gudida Qorshaynta iyo Horumarinta

1.       Ahmed Ali Muuse                                                          Gudoomiye

2.       Eng Aadan Daahir Maxamed

3.       Ahmed Cismaan Ismaaciil

4.       Ahmed Maxamed Aadan (daad)

5.       Siciid Daahir Siciid

 

Gudida Wacyigelinta iyo Xidhiidhka

1.       C/raxmaan Sh.Xasan Axmed                                       Gudoomiye

2.       Eng. Maxamed C/aahi Cilmi (SHaqale)

3.       Ahmed Xirsi Maxamed

4.       Sh.c/risaaq Maxamed Xarbi

5.       Maxamed Yuusuf  xuseen

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com