Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada ku qaabilay wafti balaadhan oo ka socday dalka Norway.

Hargeysa(M S L):-Madaxweyne ku xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskiisa madaxtooyada ku qaabilay wafti balaadhan oo ka socday dalka Norway.

 Waftigan ka socday dalka Norway oo ka koobnaa 12 ruux oo kala matalayey ururada bulshada, macalimiinta, jaamacadaha dalkaasi iyo qaybaha kala duwan ee bulshada dalka Norway, waxaanay wadanka ku sugnaayeen mudo sadex cisho.

 Ujeedada waftigan ka socda dalka Norway  ayaa lagu sheegay inay daarnayd sidii ay wax badan uga ogaan lahaayeen qaranka somaliland oo ilaa haatan wax aqoonsi ah ka helin bulshada caalamka.

Madaxweyne ku xigeenka somaliland ayaa waxa kulanka ku wehelinayey xubno kma mid ah golaha wasiirada oo  ay ka mid ahaayeen wasiirka beeraha,wasiirka xanaanada xoolaha iyo wasiirul dawlaha wasaarada maaliyada.

Madaxweyne ku xigeenka somaliland

 


Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka hadlay kulankan uu la qaatay waftiga ka socda wadanka Norway ayaa waxa  uu hadalkiisa ku bilaabay  “ hada waxa nala jooga wafti ka socda dalka Norway oo ka kooban qaybaha bulshada ee kala duwan  iyo ururada bulshada, waxaanay dalka u yimaadeen iyaga oo iskood isku  xil qaamay inay arkaan dalka somaliland, jiritaankiisa iyo xaalada dhabta ah ee ka jirta, waxaanay tagi doonaan gobolada kala duwan ee dalka.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ku  faraxsan yihiin inay dalka yimaadaan waftigan ka socda dalka Norway waxaanu yidhi “Aad ayaanu ugu faraxsanahay waanan ku soo dhawaynaynaa dalka, waxay indhooda ku arkeen wixii ay umada somaliland  qabsatay iyo halka ay marayso iyo isbadalada ka dhacaya sanadba sanadka ka danbeeya.” Ayuu yidhi madaxweyne ku  xigeenka somaliland.

Dhinaca kale waxa kulankan ka hadlay xubin ka mid ah waftiga ka socday dalka Norway kaas oo sheegay inay waftigani faraxsan yihiin inay yimaadaan somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com