Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maxaa ka jira in Boqor buur madow lagu wareejinaayo Hutelka qaranka ee Hargeisa Club?qalinkii by abdirahman adem

– Warar aad loogu kalsoon yahay oo maantasomaliland.com ay soo gaadhsiiyeen masuuliyiin waaweyn oo isugu jira siyaasiyiin xilal ka haya xukumada Siilaanyo iyo kuwo madaxdhaqameedyo ah ayaa tibaaxaya in maalmihii ugu dambeeyey uu ka jiro muran hoose oo u dhaxeeya Suldaan Siciid Ducaale , oo ah ninka haatan gacanta ku haya huteelka taariikhiga ah ee Qaranka Somaliland lee yahay iyo wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isagu la doonaya in uu hutel-ka ku wareejiyo Boqor Cusmaan Aw Maxamuud (Buurmadow) iyo nin kale oo ay wada doonayaan in ay ka dhigaan hutel casri ah.

Hargeisa Club, oo ah huteel taariikhi ah oo ilaa xiligii Ingiriiska la dhisay, mar walbana xukumada Somaliland ee jirtaa ay masuul

uga ahayd qaranka, maadaama uu yahay goob qaranku dajiyo martidiisa dalka timaad ama dalka gudihiisa ka timaad, isla markaana leh ku yaal goob aad u muhiim ah, qiimo weyn ku fadhida, isla markaana ku fadhiya dhul aad u balaadhan oo lagu qiyaasay in uu ka badan yahay sideed jago oo ah 80 X 100, lehna todoba dhismo oo uu ku jiro qaybta hurada oo ah dhisme dabaq hoose iyo laba sare.

Warkan ku saabsan in Boqor Buurmadow lagu wareejinayo Hargeysa Club ayaa ah mid aad looga ilaalinayo in bulshada reer Somaliland ay ogaato inta laga dhamaynayo in uu iska wareejiyo Suldaan Siciid oo Boqor Buurmadow isku dhereriyo xaga ku dhawaanshaha xukumada Siilaanyo, isla markaana ay isku hayb yihiin Boqol Buurmadow oo u muuqda in uu baryahan dambe ka kasbaday wasiirada aadka ugu dhow madaxweyne Siiraanyo kalsooni buuxda, isla markaana safka hore kaga jira in uu xoog u difaaco xukumada Siilaanyo, inkastoo uu bilowgii xukumada Siilaanyo uu Buurmadow uu ku mucaarid ahaa, isla markaana xadhig uu ku mutaystay hadalo iyo ficilo ku lid ahaa xukumada Siilaanyo.

Dhanka kale ficil ka dhaxeeya Suldaan Siciid iyo Buurmadow oo isku dhereriya xaga loolanka deegaanka Saraar ee ay ka soo wada jeedaan matalaadeeda iyo ta ku dhawaanshaha dawlada Siilaanyo ayaa u muuqda in Boqor Buurmadow oo haatan aad ugu dhow madaxweyne Siilaanyo iyo wasiirada “ma dhacaanka ah” ee awooda badan, taas oo u suurto galisay in haatan loo qorsheeyo in Hargeisa Club la siiyo, isla markaana sida ilaha warkan aanka helnay sheegayaan in wasiir Xirsi arinkan xoojinayo isagoo doonaya in ay ku shuraakoobaan hutel casri ah oo laga dhex dhiso xarunta Hargeysa Club, taas oo ay isku wada kaashanayaan dhismihiisa, iyadoo Suldaan Siciid oo haysta heshiis xukumadii Riyaale siisay in uu maamulo isna loogu badalo meel kale oo qaranku lee yahay, taas oo aan wali la magacaabin halka ay noqon karto amaba aanay isla garan Xirsi iyo madaxtooyadu.

“….Wax ay qorshaynayaan in hutel ka weyn oo ka casrisan Maanshoor iyo Ambassador laga dhiso Hargeisa Club, wixii gaalo ee wadanka timaad ee hay’ado ah iyo kuwo kale ba halkaa dawladu tidhaa waa meesha ugu amaanka badan ee xero xiidan ku xigta…” Sidaa waxa yidhi mid ka mid ah xubinta warkan Hadhwanaagnews soo gaadhsiisay oo aad ugu dhow wararka Boqor Buurmadow iyo xukumada oo naga codsaday in aanaan magaciisa sheegin.

warfidiyenadu oo xubintaa weydiisay in wasaarada hawlaha guud iyo guriyenta oo iyadu uga masuul ah Qaranka Somaliland hantida ma guuraanka ah ee dhismayaashu ka mid yihin in wax laga socodsiiyey ayaa ku jawaabay, ” Wasiirka hawlaha guud Xirsi oo u sheegay ayaa ku filan, waayo kama hor imankaro xataa isagoo og in ay khalad tahay in hanti qaran qof sidaa lagu siiyo, waliba meel sidaa u muhiim iyo xasaasi ah”

Haddii uu hirgalo qorshahan uu wado wasiirka madaxtooyad Somaliland ee Hargeysa Club lagu wareejinayo Boqor Buurmadow, waxa ay xukumada Siilaanyo si rasmi ah u galaysaa taariikhda Somaliland in ay noqoto xukumadii ugu horaysay ee soo marta dalka ee si badheedh ah eex iyo qaraabo kiil u dhacda qaranka, isla markaana goob taariikh ah oo qaranku dajiyo martidiisa looga dhigo goob dad ehel u ah madaxtooyadu haatan ay lee yihiin iyo in ay cadaato boobka hantida qaranka ee in badan oo kale ayaayar dad lagu wareejiyey. Sidoo kale waxa isna koofiyadu kaga dhacysaa Boqor Buurmadow oo haatan u tafo xaydan in uu hanti ka yeesho xukumadan oo ay aad iskugu sansaan banaan yihiin intan dambe.

maantasomaliland ayaa warkan iyo warar kale oo la xidhiidha boobka hantida qaranka ee shaqsiyaadka sida sharciga baalmarsan loo bixinayo soo bandhigi doonta, maadaama aanu helayno warar lagu kalsoon yahay oo ilaha bixinayaa ogol yihiin in ay u waramaan maantasomaliland haddii aan magacyadooda la sheegayn. Sidoo kale Hadhwanaagnews waxa ay la xidhiidhay wasiirka madaxtooyada oo aanu email u dirnay si uu uga jawaabo arinkan, wixii jawaab ah ee uu ka bixiyo halkan ayaanu ku soo qoraynaa.

Eng cabdiraxmaan adan axmed
hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com