Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasaaradda Daakhiliga“Muwaadin kasta oo da’diisu gaadhay 16 jir waa waajib inuu is-diiwaangaliyo”

Cali Xasan CawaaleHargeysa (maantasomaliland

Maanta Somaliland

Maanta Somaliland

com)- Agaasimaha Waaxda Gobollada Dhaqanka iyo Siyaasada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Xasan Cawaalle ayaa tafaasiil ka bixiyay ahmiyadda ay diiwaan-gelinta madaniga ahi ugu fadhido bulshadda, waxaanu muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqay inaanay fudaydsan diiwaan-gelintan oo uu ku dooday inay tahay mid ahmiyadeeda leh.

Agaasimuhu waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal uu xalay soo gaadh siiyay DAWAN, waxaanu qoraalkiisa ku beeniyay wax uu ku tilmaamay dacaayado raqiis ah oo dhalinyaradda lagaga baajinayo inay is diiwaan-geliyaan, taasi oo ah in dhalinyaradda is diiwaan gelisa farahooda la geynayo dalalka Yurub oo ay ku adkaanayso inay u dhoofaan adduunka.

War-saxaafadeedkaasi uu soo saaray agaasimaha waaxda goboladda iyo siyaasadda ee wasaaradda Daakhiligu waxa uu u dhignaa sidan:- “Sida aynu ogsoonahay diiwaan-galinta madaniga ah ayaa muddo toddobaad ah ka socotay degmooyinka caasimadda Jamhuuriyadda  ka kooban tahay, taasi oo ah guul u soo hoyatay bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogaanba.

Haddaba,  waxaa muqaata ama aad ka maqlaysaa bulshada qaar in aanay si fiican u fahansanayn diiwaangalinta, isla markaana ay ka haystaan fikir odhanaya in diiwaangalintaniba ay ku salaysan tahay doorashooyinka oo kaliya, runtii layaab  malaha dadkaasi waayo waxay soo arkeen kuwii hore Markaa waxaan doonayaa halkan inaan u cadeeyo bulshada sidaa aan soo sheegay ka aaminsan diiwaangalinta madaniga ah in aanay ahayn sida ay ka qabaan balse ay diiwaangalinta madaniga ahi tahay mid aad idinku bulsho ahaan maal-galiseen lacagta lagu fulinayo iyo qalabkana waxa lagu bixiyey cashuurtii aad bixiseen ee maaha mid wadamo kale la idinka soo waariday.

Sidoo kale diiwaan-galinta madaniga ahi waa mid asaasi ah oo qof kasta oo muwaadin ah waajib ku ah inuu qaato cardka aqoonsiga, isla markaana  uu xaq u leeyahay inuu helo. Waayo waa shayga kaliya ee uu kaga soocan yahay bulshadda kale ee ajaanibka isla markaana  uu ku helayo dhammaan xuquuqdiisa asaasiga ah ee uu xaqa u leeyahay, waxa kale oo aan bulshada u iftiiminyaa inay diiwaangalintani tahay mid ay maalgashadeen, lacagta lagu qabanayaana ay tahay tii cashuurta ahayd ee ay bixiyeen sidaa daraadeed haddii aan is weydiino su’aashan oo ah, Maxaa dhib ah ee ku imanaya haddii aanu muwaadinku is diiwaan-galin ama aanu qaadan kaadhka aqoonsiga ? waxaan odhan karnaa oo xaqiiq ah muwaadinka aan is diiwaangalin ee aan helin aqoonsiga muwaadinka waxa uu ku waayayaa dhammaan xuquuqdii muwaadinimo ee uu xaqa u lahaa waxaanu la mid yahay qofka ajaanibka ahaa oo ma jirto wax uu kaga duwan yahay, markaa maha inaad lumuso  xuquuqdaada ee waa in aad is diiwaan-galiso si aad u hesho aqoonsiga muwaadinka iyo xuquudaadaba.
Dhinaca kale haddii aynu eegno waxyaabaha ay wadaagaan iyo kuwa ayna wadaagin diiwaangalinta muwaadinka iyo Doorashooyinku waxaan odhan karnaa arrimahan hoos ku xusan ayaa ah kuwa ay wadaagaan iyo kuwa aanay wadaagin:-
Horta diiwaangalinta madaniga ahi waa shardi waajib ku ah qof kasta oo muwaadin ah waana (must) waa shay aad xuquuqdaada asaasiga ah oo dhan ku waayaysid haddii aanad samayn, halka doorashada ama codbixntu ay ka tahay (optional) waayo qofka muwaadinka ah isaga ayey ka go’daa inuu codeeyo iyo inaanu codayn, mana jirto wax kaga lumaya haddii uu goosto inaanu codayn, halka haddii aanu si diiwaan-galin uu ku waayayo dhammaan xuquuqdiisa aasaasiga ahayd, sidaas ayeyna diiwaanglintu madaniga ahi waajib ugu tahay qof kasta oo Somalilander ah isla markaana da’adiisu gaadhay 16 jir inuu is diiwaangaliyo.
Sidoo kale haddii aan eegno waxyaabaha ay wadaagaan diiwaan-galinta muwaadinka iyo doorashadu ama codbixintu , waxaan odhan karnaa horta cida wax dooranaysaa ama xaq u leh inay codayso waa qofka muwaadinka ah ee sugan, oo loola jeedo qofka isdiwaangaliyey ee haysta kaadhka aqoonsiga muwaadinka ayaa xaq u leh inuu wax doorto lana doorto, taas macnaheedu waxay tahay in cida kaliya ee codayn karta ama loo codayn karaa, ay tahay qof diiwaangashan oo haysta kaadhka aqoonsiga , markaa qoddobkan ayaa ah ka ugu muhiimsan waxyaabaha ay wadaagaan diiwaangalinta madaniga ah iyo Doorashooyinku.markaa waxaan leeyahay bulshada yaanay diiwaangalintu idinla fududaan hana u fahmina mid doorashada uun loo samaynayo sidii kuwii hore ee waa inaad ogaataan inay tahay xuquuqdiinii aasaasiga ahayd ee muwaadinimo.
Sidaas darteed, waxaan u soo jeedinaya bulshadda Somaliland gaar ahaan dadweynaha caasimada Hargeysa ku dhaqan, inay si buuxda ugu soo baxaan diiwaangalinta Madaniga ah ee ka socota degmooyinka ay ku dhaqan yihiin ee caasimada. Sidoo kale waxaan leeyahay da’yarta JSL gaar ahaan dhalinyarada 16 jirka ah in aanay dheg u dhigin hadalada dadka cadawga ahi ku dhex-tuurayaan ee aan waxba ka jirin kuwaasi oo odhanaya haddii aad isdiwaangaliso farahaaga dalalka Europe ayaa laga helayaa oo ma tagi kartid , arrinkaasi waa daacayad raqiisa oo aan waxba ka jirin, markaa waxaan idin leeyahay dheg ha u dhigina, hana ku luminina xuquuqdiina iyo muwaadinimadiina fariin daacayad ah  oo ka soo baxday dad cadow idiin ah ama aan doonayn in bulshadeennu hore u tallaabsato, waayo waad ogtihiin oo caalamka wadan aan lahayn aqoonsiga muwaadinka ma jiro.markaa iska jira daacayadaha noocan ah oo ka mida tabaha cadawga Somaliland adeegsanayo  ee uu doonayo inuu ku wiiqo tallaabooyinka horumarka ah ee qarankeennu ku talaabsaday.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com