Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidanka Illaalada Xeebahu Waxay Si Hufan Uga Ilaasheen Badaha Dalkeena Somaliland Dhaq-dhaqaaq Walba Oo Budhcad Badeednimo.” Wasiir Xirsi

 

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan, ayaa sheegay in xidhiidhka dublamaasiyadeed ee Somaliland iyo dalka Boqortooyada Ingiriisku uu fariin u yahay dalalka kale ee beesha caalamka.

Wasiirk Xirsi oo ka mid ahaa Wasiirradii ka qayb-galay Munaasibad uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed-Siilaanyo tababbar ugu soo xidhaayey Cutubyo ka tirsan Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo ka dhacaysay Markab dagaal oo ay iska leedahay dawladda Ingiriisku, oo lagu qabtay Magaalada berbera ee xarunta gobolka Saaxil, ayaa waxa uu kaga hadlay Qoraal kooban uu Wasiir Xirsi soo dhigay bogga uu ku leeyahay Internetka.
“Kulankii Maanta ee Masuuliyiinteena Somaliland iyo Boqortayada

Ingriisku Waa Xidhiidh Dumblamasiyadeed Oo Ku Dhisan Taariikh Dheer Oo ay Labada Dal Wadaagaan isla markaana Wuxuu fariin u diraya dalalka kale ee dunidu in ay gacan ka gaystaan horumarinta dhinacyada kala duwan ee Somaliland”

Waxay ahayd maanta kadib markii Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland H.E Ahmed Mahamed Mahamoud oo ay wehelinayaan Xubno kamida Golaha Wasiirada iyo Laamaha kala duwan ee Amaanku aan safar ku tegnay Caasimada Gobolka Saaxil ee Berbera.
Safarkan ayaa sidoo waxaa nagu wehelinayey Danjiraha Boqortooyada Ingriiska u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo dawlada aan jaarka nahay ee Somalia iyo masuuliyiin kale.
Ujeedada Safarkan ayaa ahayd in Madaxweynuhu ugu soo xidho cutubyo kamida Ciidanka Illaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland tobabar ku aadan kor-u-qaadida ilaalada Xeebaha oo mudooyinkii u dambeeyey ka socday markab magaciisa la yidhaa Cardigan Bay oo ay leeyihiin Ciidmada Illaalada Xeebaha Ingriisku kasoo ku sugnaa Xeebta Dalkeena Somaliland Tobobarkan ayaa noqon doono mid wax badan u tari doona Ciidmada Illaada Xeebaha ee awalba Tayada badnaa kuwaas oo si hufan uuga ilaashay Badaha Somaliland dhaqdhaqaaq walba oo Budhcad badeednimo, waana kaalin ay amaan iyo sharaf ku mudan yihiin.
Maaha markii u horaysay ee Ciidanka Illaalada Xeebaha Boqortooyada Ingriisku ay Tobobar noocan oo kale ah siiyaan Ciidankeena Badda waanan uuga mahadcelinaynaa taageerada iyo tobabarada qiimaha badan ee ay siiyaan laamaha kala duwan ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Safarkan ayaa sidoo kale muujinaya adkaanta xidhiidhka Dumblamaasiyadeed ee Somaliland iyo Boqortooyada Ingriiska isla markaana fariin u diraya dalalka kale ee dunidu in ay gacan ka gaystaan horumarka dhinacyada kala duwan ee Somaliland” Ayaa Lagu Yidhi Qoraalkaas uu Wasiir Xirsi X. Cali Xasan Soo Saaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com