Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Wareegto uu saaray waxa uu Xisbiga WADDANI dib ugu celiyey Xubintii ay u soo xusheen Guddida cusub ee Doorashooyinka

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Wareegto uu  saaray waxa uu Xisbiga WADDANI dib ugu celiyey Xubintii ay u soo xusheen Guddida cusub ee Doorashooyinka, waxaanu sheegay in Xubintani aaanay waafaqsanayn sharciyada iyo hab-raaca soo xulista ee Xeerka Doorashooyinku tilmaamayo.

Madaxweyne Axmed-Siilaanyo xubintan uu dib ugu celiyey Xisbiga WADDANI, isla markaana mar labaad ka dalbaday inuu Xisbigu dib u soo magacaabo Xubin kale oo aan tan uu diiday ahayn, ayaa ah Dr. Maxamed Cismaan Fadal, waxaanu Siilaanyo ku dooday oo uu diidmadiisa ku sababeeyey inuu Dr. Fadal ka mid yahay Siyaasiyiinta Xisbiga WADDANI, taasina aanay waafaqsanayn hannaanka soo xulista

Xubnaha noqonaya Guddiga doorashooyinka Qaranka sida uu ku dooday.

Digreeto uu Madaxweyne Siilaanyo Caawa soo saaray, waxa uu ku sheegay inaanay Nidaamka Shuruucda magacaabista xubnaha ka mid noqonaya Komishanka cusub ee Doorashooyinku yihiin kuwo  cad oo hab-raac iyo hannaan loo maro leh, hase-yeeshee, qoraalka WADDANI ku magacaabay Xubinta uu diiday Madaxweyne ee Dr. Maxamed Cismaan Fadal aanay waafaqsayn, sidaa awgeedna uu mar labaad ku celinayo inay dib u soo magacaabaan iyagoo sharciyadda waafajinaya xubinta beddelaysa xubinta uu diiday.
War-Saxaafadeed Caawa ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada laga soo saaray oo nuqul ka mida ay heshay Shabakada wararka caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com, ayaa wuxuu  xambaarsanaa nuxurka Digreetada Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku diiday Xubinta uu WADDANI u magacaabay Guddiga doorashooyinka. War-Saxaafadeedkaas, Digreetada Maxweynaha ee uu xambaarsan yahay sababta dib u celinta iyo qodobbada uu Madaxweynuhu u adeegsaday-ba u dhignaayeen sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XMW/0092814/102014, uu dib ugu soo celiyey Xisbiga Waddani inay Dib-u-soo Xulaan Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka.
Ujeeddo Madaxweye: Dib-u-soo Xulid, Xubinta Guddida Doorashooyinka Qaranka
Mudane Guddoomiye, Tixraac qoraalka Xisbiga WADDANI ee summaddiisu tahay XIS/WAD/XDH/165-2014, kuna taariikhaysan 02/10/2014, ujeedadiisuna tahay jawaab celinta Xubinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Xisbiga WADDANI oo aad dib ugu soo sharaxday Dr. Maxamed Cismaan Fadal.
Haddaba, waxa danta Qaranka u adeegaya in aynu si niyadsami ah isaga xil saarno ku dhaqanka, ilaalinta sharciga iyo habraaca soo xulista Xubnaha Guddiga Doorashooyinka uu u dhigay Qodobka 12-aad ee Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golayaasha Deegaannada Xeer Lr.20/2001, qoraalkaaguna kuma salaysna sharciyaddaas, isla markaana waxa cad in wakhtiga aan ku xusay qoraalkii hore ay xubintaasi ka mid yahay Xisbiga WADDANI.
Sidaas darteed Mudane Guddoomiye, waxaan go’aamiyey in aan mar labaad dib idiinku soo celiyo Xubinta aad ii soo gudbiseen, waxaanan idinka rejaynaya inaad soo gudbin doontaan xubin buuxin karta shuruudaha Xeer Lr.20/2001 uu tilmaamay. ALLAA MAHAD LEH.”
Madaxweynaha Somaliland, ayaa bil iyo badh ka hor qoraal uu u kala diray Xisbiyada Mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI waxa uu kaga dalbaday inay soo magacaabaan hal hal xubin oo uu Sharcigu siiyey inay Xisbiyada Mucaaradka ah midkoodba hal xubin soo magacaabo, maaddaama oo ay 29-ka bishan October ee aynu ku jirno ku dhammaanayso muddada sharciga ah ee Guddiga doorashooyinka shantii sano ee u dambeeyey shaqaynayey.
Waxa uu Sidoo kale, Madaxweynuhu ka dalbaday inay soo magacaabaan Golaha Guurtida oo laba Xubnood sharciyan leh soo xulistooda, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo diiday labada Xubnood ee ay dhawaan soo xuleen Shir-guddoonka Golaha Guurtida oo ahaa laba Xubnood oo ka tirsanaa Komishankii hore, isla markaana ahaa labadii Xubnood ee Sanadkii 2009-kii Guurtidu u xushay ka mid noqoshada Komishankaas hore ee hadda wakhtigoodu dhammaanayo, hase yeeshee waxa uu Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Gaal uu soo dhigay laba Xubnood oo mid ka mid ahi uu ka tirsan yahay Xisbiga KULMIYE, kuwaasoo kala ah Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo la sheegay inuu ka tirsan yahay, isla markaana uu Wasiirka Madaxtooyadu u olalaynaayey sidii uu Guddoomiye Saleebaan Gaal ugu qaadan lahaa labada Xubnood ee uu Madaxweynaha u gudbinayo, iyadoo ay xubnintii labaad-na Guddoomiyaha Guurtidu ka dhigtay Siciid Cali Muuse oo ah Saxafi caan ah oo la wada yaqaan, halka xubinta labaad ee la sheegay inuu ka tirsan yahay Xisbiga KULMIYE uu yahay Maxamed Jaamac Maxamed, balse wali xubnahaasi may shaacin inay Xubinnimadii KULMIYE iska casileen iyo in kale.
Inkasta oo ay Warbaahinta qaarkeed faafiyeen in Madaxweyne Siilaanyo diiday Xubinta Xisbiga WADDANI u magacaabay Guddiga cusub ee Doorashooyinka inay uga mid noqoto, haddana caawa ka hor si rasmi ah Madaxweynuhu uma shaacin dib-u-celinta Xubinta WADDANI.
Si kastaba ha ahaatee Lixda Xubnood ee Madaxweynuhu uu soo saaray Liiskooda inay yihiin Xubnaha Komishanka cusub ee doorashooyinka ayaa la sheegayaa inay laba ka mid ahi ay ka tirsan yihiin Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, halka uu Madaxweynuhu Xisbiga WADDANI ku diiday Xubintoodii oo uu ku eedeeyey inay Golaha dhexe ee Xisbigaas ka tirsan yahay, hase yeeshee arrintani waxa ay daaha ka faydaysaa sida ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u samaysanayso Xubno u adeega,isla markaana si fudud ugu fullin kara waxyaabaha ay uga baahato wakhtiga doorashooyinka lagu gudo-jiro, taasina waxa ay meesha ka saaraysaa Kalsoonaantii ay Xisbiyada Mucaaridku ku qabi lahaayeen Xubnaha ka yimaada Xukuumadda Axmed-Siilaanyo, waana mid ka mid ah tallaabooyinka ay Xukuumadda Madaxweyne-Siilaanyo ugu gogol-xaadhanayso Komishan u dhaga nugul oo si wanaagsan u qaata awaamiirta iyo danaha Xukuumadda ee salka ku haya boobka iyo wax is-dabamarinta wakhtiyadda doorashooyinka lagu jiro.

– See more at: http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=140717#s

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com