Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

War Deg-deg ah :Laba Qof Oo Ay Ku Jirto Haweenay Wadatay Laba Ciyaala Oo Da’doodu Kayartahay 5-sanno Jir Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Deegaanka Xamaas

War Deg-deg ah :Laba Qof Oo Ay Ku Jirto Haweenay Wadatay Laba Ciyaala Oo Da’doodu Kayartahay 5-sanno Jir Oo Ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Deegaanka Xamaas.

Labada ciyaala ee ay wadatay gabadha geeriyootay ayaa mid kamida oo da’diisa lagu qiyaasay 3-sanno jir uu kujiraa xaalad miyir la’aana

Hargaysa() Baabuur rakaab ah oo ka soo baxay magaalada Hargaysa oo ah nooca looyaqaan NOOHA kuna socday Burco ayaa caawa fiidkii ku dhacay deegaanka Xamaas ee katirsan gobolka Saaxil.

Laba qof oo kala ah Haweenay wadatay laba ciyaal ah iyo nin ayaa ku geeriyooday shilkaa halka ay ku dhaawac meen ilaa shan qof oo iskugu jira dhawaac culus iyo dhaawac fudud kuwaas oo qaar kamida lagu dawaynayo dhakhtarka magaalada Berbera, sida uu khadta telifoonka ugu sheegay shabakada Hadhwanaagnews taliyaha taraafikada ee Gobolka Saaxil Jaamac Cali.

Labada ciyaala ee ay wadatay gabadha geeriyootay ayaa mid kamida oo da’diisa lagu qiyaasay 3-sanno jir uu kujiraa xaalad miyir la’aana, halka kakale oo da’diisa lagu qiyaasay 4-sanno jir uuna kala garanayn xaga ay

ku socdeen.

Dilawarkii baabaaurkan dhacay waday oo isagu qabay dhaawac fudud oo lawaydiiyay inuu garanayo gabadha ciyaalka ka geeriyootay ayaa sheegay inaanu garayn.

Taliyaha taraafiakada Jaamac Cali ayaa sheegay in ayna garanayn meel ay ku hagaajaan ciyaalka gabadhu ka geeriyootay

Taliyaha oo aanu waydiinay waxa sababay shilkan ayaa sheegay in dhibta ugu badan ay sababaan shilalka masuuliyad daro katimaada xaga dilawarka iyo gododka kasamaysma wadooyinka.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay shilalku kubadan yihiin wadada isku xidha magaalooyinka Burco iyo Hargaysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com