Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wax Ka Baro Cudurka Ebola, By: Khalid abdurahman omar (takar)

Ebola oo markii hore loo yaqaanay xumad dhiig bax leh(haemorrhagic fever) waa xanuun si deg deg ah ugu dhaca dadka kaas oo keena dhimasho

Bismillaah marki hore waxaan idunku salaamaya salaamta islaamka ASALLAAMU CALAYKUM WARAXMATULLAAH WABARAKAAT maanta qalinka waxaan u qaatay inaan si kooban wax uga qoro cudurka aadka u faafa ee la idhaa EBOLA arinta kowaad ee igu dhalisayna ay tahay dadkeena inta wax akhrida ee ka war haysa oo yar taas oo ay taasi jirto haddana ay yar tahay intaa fahmaysa kalmadaha loo isticmaalo caafimadka ( medical terminology ) haddaba si aan idiin siiyo inyar oo ka hor tag ah maadama oo la yidhi” ka hor taga aya ka wanaagsan daaweynta “

( prevention is better than curing) aynu wax ka ogaano ebola

hadaba waa maxay ebola

Ebola oo markii hore loo yaqaanay xumad dhiig bax leh(haemorrhagic fever) waa

xanuun si deg deg ah ugu dhaca dadka kaas oo keena dhimasho ,markii ugu horeysay ee la arko xanuunkan waxay ahayd 1972 kaas oo lagu arkay democracy of Congo wabi ku yaala oo la idha EBOLA RIVER kaas oo ah halka loogu magac daray cudurkan

Waxa uu dhimasho badan ku sameeeyey intan danbe GUINE A kaas oo marki danbe u gudbay waliba halka dhulka ugu gudbay Sierra Leone and Liberiaka ka bacdi wuxuu gaadhay negeria iyo senigal kaas oo ugaadhay daad sida cudurka oo u raacay diyaarad

Maxa sababa cudurka EBOLA

Waxa sababa viruska la idha Ebola virus

SIDE AYAA LAYSKUGU GUDBIIYA CUDURKAN

Waxaa gudbinka kara xayawaanka ama bili aadamka haddaba sidee ayey bili aadmaku isku gudbiyaan

Waxa layskugu gudbin karaa inaad si toos ah ula macaamisho dhiiga qof cudurka qaba ama qoyaanka oo ka imaada qofka qaba cudurka sida (candhuufta,dhididka,ilmada,hunqaacada iyo hooyada naaska oo u gudbin karta ilmaha yar , waxa kale oo lagu kala qaadi kara walxaha sida irabada aad la wadaagto qof cudurka qaba

Dadka cudurku wu haya inta oo virusku ku jiro manidooda iyo caanaha naaska taas oo ka dhigan in qofka oo cudurkii kasoo kacay hadana uu gudbin karo cudurka madaama oo virusku wali ku dhex jiro caanihi iyo biyihi ninkaba

CALAAMADAHA CUDURKA EBOLA .

xanuunku qofka waxa u ku so ifbaxa 2 ila 21 cisho kaas oo intaas calamaduhu kuso if baxayaan calamada u horeysa ee qofka kaso baxaysa waa

Xumad deg deg ah ,awooda qofka oo is dhinta,murqaha oo xanuun yeesha,madax xanuun ,cune xanuun taas oo ay so raacayso ka dib hunqaaco,shuban,fuuqbax,miisaanka qofka oo yaraada,finan qofka kasoo baxa,kalyaha oo shaqadoodi dhima,beerka oo shaqayn waaya , dhiig bax sida qofka oo dhiig keena sanka,afka, dhagaha,dabada iyo xubinta taranka dumarka, mudo u dhaxaysa malinta 5 ila malinta 7 ee calamadaha dhiigo so ifbaxaan. kama danbeyan indhaha oo casaan noqda ,qofka oo dhiig mataga,qufaca oo dhiig la socdo ,dhiig la socda saxarada qofka

La soco qeybta danbe

By: Khalid abdurahman omar (takar)

Gmail: khalidomer217@gmail.com

FB :Khalid ambasa

Senior health officer

A.A ethiopia

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com