Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeeniyare), ayaa sheegay inay xabisiyada dhigi doonaan kooxo dhaliinyarro ah oo rebshadaha ka sameeya caasimadda, isaga oo waalidiintana ugu baaqay inay xakameeyaan wiilashooda

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Cali (Jeeniyare), ayaa sheegay inay xabisiyada dhigi doonaan kooxo dhaliinyarro ah oo rebshadaha ka sameeya caasimadda, isaga oo waalidiintana ugu baaqay inay xakameeyaan wiilashooda.

Maxamuud Cali (Jeeniyare), oo shalay xafiiskiisa ugu waramay wargeyska DAWAN, waxa kale oo uu sheegay in ciidamada amaanku ku hawlan yihiin wax ka qabashada dhaliinyaradan oo mararka qaar iyagu iska hor yimaada kana sameeya rabshado caasimada Hargeysa.

Waxaanu guddoomiyuhu amaanay taliyeyaasha ciidamada bilayska oo uu sheegay inuu ku amaanayo sida ay had iyo jeer ugu heelan yihiin ilaalinta amaanka caasimada, iyada oo todobaadyadii u dambeeyey ay dadweynuhu si aad u hadal hayeen dhalinyaradda rebashadaha dhaca iyo boobka ah habeenkii ka gaysta caasimadda.

Md. Jeeniyare waxa kale oo uu sheegay in aanay ogolaanaynin cid kasta oo waxyeelo soo gaadhsiinaysa bulshada rayidka ah. waxaanu yidhi “Ma ogolaanayno in qof shacabkayaga ah oo nabad dhulkiisa ku jooga Rag iyo Dumar ba in la dhibaateeyo, oo Wiil yari diriiqyada isu taago oo mobiladda ka qaado, waxaanu leenahay waalidiinta haddii aydaan ceshan Wiilashiina waanu qaban doonaa, waxaana la gayn doonaa maxkamadaha, wadanka dawlad baa ka jirta lama ogola innan yar oo rebshad sameeya. Ubadkayagii weeyaan Alle ha barakeeyo laakiin waalidiinta wax badan baanu u sheegnay waxaanu leenahay inamadiina rebshadaha samaynaya ceshada, haddii aad ceshan waydaana xabsiyada ayaanu ku edbin doonaa, waxaanu ku celcelinaynaa in waalidku ka war hayo ubadkooda.”

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex waxa uu ka hadlay dhaliinyarada mudooyinkan dambe dalka ka tahriibta oo uu sheegay in ay yihiin kuwo saaqiday, isla markaana ay bello qaadatay. Waxaanu tilmaamay in ay xukuumadu dedaal weyn ugu jirto sidii dhalinyaradda shaqo loogu abuuri.

“Dad baa yidhaahd dhaliinyaradii way tahriibaysaa, waa nin bello la tagtay ka tahriibayaa, waxaan leeyahay nin saaqiday oo hooyadii baloodh u iibisay ayaa tahriibaya, laakiin xukuumadu intaa way dedaalaysaa oo dhaliinyaradda shaqo-abuur ayay u samaynaysaa, markaa waxaan leeyahay adeer shaydaanka iska naarra oo dalkiina aamina, oo waxbarta, madaxdii berito ayaad tihiin” ayuu yidhi Md. Jeeniyare.

Sagal Cabdiraxmaan Maxamuud

Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com