Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawladda Boqortooyada Ingiriiska, ayaa si buuxda u ballanqaaday inay taageero ka gaysan doonto,

Dawladda Boqortooyada Ingiriiska, ayaa si buuxda u ballanqaaday inay taageero ka gaysan doonto, isla markaana ka go’an tahay sidii looga shaqayn lahaa in Somaliland noqoto dal dhaqaale ahaan deggan, barwaaqana ku noolaadana mustaqbalka.

Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen wasiirrada Arrimaha Afrika, ahna Kaaliyaha Xoghayaha Xafiiska Arrimaha Dibadda ee UK Mr. James Duddridge iyo Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Ingiriiska Ms. Lynne Featherstone shalay, ayaa lagu sheegay in ay gacan ka geysan doonaan taageerada Somaliland ee dhinacyada horumarka iyo dhaqaalaha.Mr. James Duddridge

“Dawladda Ingiriiska waxa ka go’an inay ka shaqayso sidii Somaliland looga taageeri lahaa inay noqdaan dal dhaqaale ahaan deggan, mustaqbalkana ku noolaada barwaaqo. Gargaarka Ingiriisku waxa uu Somaliland ka taageeraa dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo xoojinta maamulka maaliyadeed ee dawliga ah iyo dawlad-wanaagga, iyadoo si muhiim ah weliba looga taageero dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed lagu faafiyey bogga internet-ka Xafiiska Arrimaha Dibadda ee UK oo Jamhuuriya Afsoomaali u turjumay.

Waxa kaloo dawladda Britian sheegtayy in khayraadka kala duwan ee Somaliland hodanka ku tahay yahay mid aan welin daboolka laga furin, una baahan maalgelin lagu sameeyo. “Laakiin in badan oo ka mid ah khayraadka ka buuxa Somaliland maaha mid weli daboolka laga furay, balse, beeraha iyo xoolaha nool ee ay (Somaliland) hodanka ku tahay waa qayb abuuri karta ganacsi wax-soo-saar leh, kaasoo qiimo aad u sarreeya ugu fadhiya dadka. Ganacsigu waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa kobcinta qaybahaas (beeraha iyo xoolaha nool) iyo kuwa kale oo la xidhiidha dhinacyada adeegyada iyo warshadaha oo maalgashi ku yimaad.”

Sidoo kale, waxa warsaxaafadeedkaas lagaga hadlay shirka maalgashiga ee ay sida wadajirka ah u qabteen dawladaha Somaliland iyo Ingiriiska oo ku qabsoomay magaalada London shalay, kaasoo lagu sheegay inuu gudbiyey farriin ganacsatada iyo maalqabeennada caalamka loogu baaqay inay maalgashi ku sameeyaan khayraadka Somaliland.

“Dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland waxay si wadajir ah u qabteen maanta (shalay) shir ganacsi oo la doonayo in lagu kobciyo ganacsiga iyo fursadaha maalgashiga ee Somaliland, waxayna Ingiriiska iyo Somaliland la kulmeen ganacsatada, kuna dhiirrigeliyeen in la maalgashado khayraadka ay qaniga ku tahay Somaliland, si loo abuuro fursado lagu kobciyo dhaqaalaha, laguna yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka.

Shirka labada dawladood wadajirka u qabteen waxa si mug leh loogu falanqeeyey sidii looga faa’iidaysan lahaa, loona kobcin lahaa ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland.

Masuuliyiinta dawladda Ingiriiska uga qaybgalay shirkaas waxa hoggaaminayey haweenayda wasiirka ah Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Caalamiga ah ee UK- Mr. James Duddridge iyo marwo Lynne Featherstone, halka weftiga Somaliland uu horkacayo madaxweyne Axmed Siilaanyo,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay dalwadda Ingiriiska shalay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com