Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudoomiye xigeenka 3-aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray, ayaa sheegay in Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo tahay tii ugu necbayd Mujaahidiinta SNM islamarkaana aanay xilal ka qaban Raggii u soo halgamay dalku.

Gudoomiye xigeenka 3-aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray, ayaa sheegay in Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo tahay tii ugu necbayd Mujaahidiinta SNM islamarkaana aanay xilal ka qaban Raggii u soo halgamay dalku.

Waxa uu Xukumadda ku dhaliilay talaabada ay ku hor istaagtay Xuska Maalinta Shuhadada SNM ee Sahra Halgan Qabanqaabisay. Waxa uu sheegay in Xalay isagoo Burco ka soo socday Sahra Halgan ku casuuntay Xuska Shuhadada SNM balse uu saaka ugu tagay Goobtii oo RRU haysato.

‘Waxaan arkayaa in SNM laba noqonayso, Rag reer la dagaalamayay oo Reer Ahaa iyo umad halgamaysay oo sharaftaada iyo karaamadooda u halgamayay oo wixii 60-kii ka lumay u halgamaysay oo dulmi iyo caddaalad daro ka halgamaysay oo eex iyo qaraabo kiil diiday” ayuu yidhi Mujaahid Cali Guray.

Gudoomiyaha 3-aad ee Ucid waxa uu ayaan daro ku tilmamaay diidmada Xuska SNM “ in la yidhaa lama xusi karo maaha, anigu Shakhsi baan ahay oo waan Casuumi karaa 10 qof. Xukumaddan oo maanta Madaxweyne ka yahay, waxbana kama ahee Axmed Siilaanyo dhamaanteed waa tii ugu necbayd in la soo hadal qaado SNM, xataa tii Daahir Rayaale ayaa u dhaantay.waad Ogaydeen oo dawlad kasta oo soo marta Rag SNM ah oo Mudo kar ah ayaa ku jiri jiray, tan mar qudha ayay Boobe iyo Maxamed Xaashi dirqi ku galeen oo waatii markiiba dibada loo soo tuuray.” Ayuu yidhi Cali Guray.

Isagoo sii hadlaya Cali Guray waxa uu yidhi “Waxa la yidhi Xalku wuxuu noqonayaa Xabad iyo Xadhig iyo RRU,taasina waxay keenaysaa marka la diido Sanduuq iyo warqad in lagu kala baxo ee aynu ognahay in Xeerkiina guurtida lagu dabray ee aan Guddidii Komishanka doorashadana xataa aan Waraaqahoodii la soo raacin si wakhti ay u lumiyaan, taasi way caddahay, muddo korodhsi baa la wataa Anaguna muddo korodhsi ma ogolin, laba Dawladdood bay yeelan doontaa Somaliland taariikhda markii ugu horaysay, sida ay wadaan raga maanta ka talinaya Madaxtooyada

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com