Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

tiro Xildhibaan Oo Golaha Deegaanka Hargeysa Ah Oo Shalay Gacmaha Isula Tagay Iyo Xubno Mooshin Ku Wada Maayarka

Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa Kulan ay shalay ku yeesheen Hoolka shirarka ay ku qabsadaan si weyn iskugu khilaafay barnaamij ay wateen oo ay ku doonayeen inay ku soo kormeeraan goobaha diwaan galintu ay ka socoto iyo qaabka ay u socoto,waxaana markii ay taladu ka murugtay sida la sheegay gacmaha iskula tagay laba xildhibaan oo golahaasi kawada tirsan oo midkood aanu mucaaridka ka tirsanayn balse dibada shirka ka joogay.

Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdilaahi Dogox iyo xildhibaan Axmed Daahir Axmed ayaa dagaal gacan ka hadal ahi ku dhex maray shalay albaabka hoolka shirarka dawlada hoose ee Hargeysa kadib markii ay ka soo dareereen shir ay isku afgaran waayeen oo ay halkaasi ku qabsadeen xildhibaanada Mucaaridka kaga jira Golaha deegaanka Hargeysa,labadan xildhibaan ayaa feedh isku waalay waxaana markii dambe soo kala gaadhay ciidanka ilaalada bilayska dawlada hoose oo kala jiiday labadaasi xildhibaan oo maryaha isku jeexjeexay. Labadan xildhibaan ayaa aad ugu kala arag fog hogaaminta Maayar Soltelco waxaanay ilaa xad ugu kala afkaar duwan yihiin nidaamka hogaamineed ee hada ka jirta golaha deegaanka Hargeysa.
Sida uu noo soo tabiyay wariye wargeysa Foore ka tirsan oo xaaladan goob joog ka ahaa,Xildhibaano u badan Kuwa maayarka ka soo horjeeda ayaa shalay aroortii shir ku qabsaday Hoolka shirarka Dawlada Hoose,shirkaasi ay iskugu baaqeen xildhibaanada Mucaaridku oo la sheegay inay u jeedadiisu ahayd sidii ay kormeer ugu soo samayn lahaayeen goobaha diwaangalintu ka socoto iyo hanaanka loo wado diwaan galinta madaniga ahi ee dhawaan la bilaabay,xildhibaanadan ayaa sida la sheegay si weyn uga soo horjeeda hanaanka hogaamineed ee maayarka Cabdiraxmaan Soltelco uu imika golaha ku hago,waxaanay mudooyinkanba Golaha deegaanka xildhibaanadani ka dhex wadeen dhaq dhaqaaqyo ku lidi ah maayarka kaasi oo ay ku doonayaan inay marmarsiiyo ugu helaan sidii ay mooshin xilka ay kaga qaadayaan u soo dhigi lahaayeen golaha dhexdiisa.
Muran iyo gacan ka hadalkaa kadib waxay xildhibaanada Mucaaridka ku ah maayarku ku baaqeen inay Maanta mooshin ay xilka kaga xayuubinayaan dhex keenayaan golaha,inkasta oo aanay sababayn mooshinkaasi hadana sida xaalada xildhibaanadaasi ka muuqatay waxay aad uga cadhoodeen xildhibaano maayarka taabacsan oo soo faragaliyay shirkaasi ay shalay ku qabsanayeen hoolka shirarka dawlada Hoose. Inta badan xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa ayaa maayarka ku cadaadinaya inuu isku shaadhayn ku sameeyo gudi hoosaadyada Golahaasi oo aan in mudo ah dib loo habayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com